4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 11, 2016
Dhaqdhaqaaqyo ciidan oo xoogbadan ayaa laga dareemayaa qeybo ka tirsan gobolka J/hoose [Sawirro]


Axad, Sitember 11, 2016 (HOL)-Ciidamada Jubaland, kuwa dowladda Soomaaliya iyo AMISOM oo iskaashanaya ayaa qeybo ka tirsan gobolka J/hoose ka bilaabay howlgallo ka dhan ah Al-shabaab, ayadoo cidiamada ay dhawaan gacanta ku dhigeen deegaanka Cabdalla Biroole oo qiyaastii 45 KM dhanka galbeed kaga beegan Kismaayo.

Howlgalladan oo la doonayo in Al-shabaab looga saaro deegaanada ay kaga suganyihiin gobolka J/hoose ayaa si wadajir ah uga bilowday deegaanada Kismaayo kaga beegan dhinacyada waqooyiga iyo galbeedka.

Taliyaha ciidamada Jubaland Gen. Aadan Ibraahim Maxamuud (Goojaar) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgalladani yihiin kuwo la doonayo in Shabaab looga xoreeyo guud ahaan deegaanada Jubaland.
Ilaa hadda wax iska horimaad xooggan ma dhicin, haseyeeshe labada dhinac ayaa wada abaabul ciidan iyo dhaqdhaqaaqyo xooggan.

Dadka degan deegaanada Gosha ee gobolka J/hoose iyo deegaanada dhanka Galbeed kaga began Kismaayo ayaa bilaabay barakac, ayagoo ka cabsi qaba in ay saameeyeen dagaallada u dhexeeya labada dhinac.

Magaalada Kismaayo ayaa siweyn looga dareemayaa howlgallada ay ciidamadu ka bilaabeen gobolka, ayadoo  aagagga hore ee ay ciidamadu joogaan lagu daadgureeynayo ciidamo kala duwan oo isugu jira ciidamada xoogga dalka ee ku sugan Kismaayo iyo kuwa dowlad goboleedka Jubaland.

Dhinaca kale, ciidamada Jubaland eek u sugan deegaanka Cabdallada Biroole ayaa magaalada Kismaayo kusoo bandhigay sedex nin, kuwaa oo ay sheegeen in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab, islamarkaana ay soo qabteen xilli ay Miino ku aasayeen wado aadda dhanka deegaanka Buuloxaaji oo kamdi ah goobaha ay ciidamadu ku wajahanyihiin.

Sarkaal lagu magacaabo C/qaadir Sanjeex oo ka tirsan nabadsugidda Jubaland ayaa warbaahinta u sheegay in ragga ay soo bandhigeen ay laba kamid ah Shabaab u qaabilsanaayeen Qaraxyada, halka mid kalena uu sheegay in uu usoo ururin jiray Zakawaadka ay ka qaadaan Xoolaleeyda.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.