4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 11, 2016
Ammaanka Muqdisho oo la adkeynaayo ayadoo ay socoto diyaar gareynta shirka IGAD

Axad, Sitember 11, 2016 (HOL)-Madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud ayaa shalay sheegay in ammaanka Muqdisho la adkeeyay maadaama Muqdisho lagu qabanaayo shir madaxeedka IGAD Salaasada soo socota.

Wuxuu sidoo kale Madaxweyne Xassan sheegay in nawaaxiga Muqdisho ammaankiisa la adkeeyay sidoo kale. Madaxda dalalka Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Soomaaliya, Koofurta Suudaan, Suudan iyo Uganda ayaa la filayaa inay ka qeyb qaataan shirkaa.

Shirkaa ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa ammaanka iyo horumarka siyaasada ee Soomaaliya iyo weliba sidoo kale doorashooyinka Soomaaliya lagu wado inay ka dhacaan dabayaaqada sanadkaan-bishaan iyo Oktoobar.

Sidoo kale ayaa waxaa madaxdu ka shiri doonaan ammaanka iyo colaada Koofurta Suudaan.

"Muqdisho waxay marti galin doontaa shirmadaxeedka IGAD..taasina waa waxa loo adkeeyay ammaanka caasimada waxaana ka codsanayaa dadka inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka si loo xaqiiijiyo guusha shir-madaxeedka," sidaa ayuuna madaxweynuhu u sheegay warfidiyeenka.

Dhanka kale, waxaa xiran waddooyin badan oo muhiim ah caasimada Soomaaliya ee Muqdishu. Wadooyinkaa ayaa muddo dhowr maalmood ah iminka xiran.

Waddooyinka ayaa waxaa dawladu sheegtay in loo xiray sababo la xiriira adkeynta ammaanka ayadoo caasimada loo diyaarinaayo in ay qabato ama marti galiso Shir Madaxeedka IGAD maalinta Salaasada ah ee soo socota sidaan horay usoo sheegnayba.

Sidoo kale, ayaa waxaa zaxmado iyo ciriiri laga dareemayaa waddooyinka qaar ayadoo gawaarida PL-ka ah iyo dadku meel ay maraan la' yihiin waddooyinka inta furan qaarkood.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]