4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 11, 2016
UGAAS XASAN: Ma Aqbalayno wax ka badan Siddeedii Gobol ee Soomaaliya in wax loogu Qaybiyo
Axad, September 11, 2016 (HOL) — Ugaas Xassan Ugaas Khaliif  oo ayaa ka Qayb-gallay dibadbax ka dhacay magaalada Beledweyne, ayaa sheegay in marnaba Aqbali doonin wax ka badan Siddeedii gobol ee Soomaaliya.

“Horay ayaan u sheegnay, marar badanna waan ku cel-celinay, 18 gobol wax leysku dhaho aan ogolanahay malaha, Soomaali waa in cadaalad wax loogu qeybiyo, gobolka Hiiraan waxaa uu ka mid ahaa siddeedii gobol ee Soomaaliya, wax intaa ka badan oo aan ogolnahay ma jiro,'' ayuu yiri Ugaas Xassan Ugaas Khaliif.

Duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa maanta ka qeyb-gallay markii ugu horeysay kulan ay wadda jir u qabteen iyaga iyo mas'uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan oo ka hor-jeestay shirka magaalada Jowhar.Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar  oo kulankaas ka hadlay ayaa ugu baaqay ergada gobolka Hiiraan ee ku sugan Jowhar in ay dib ugu soo noqdaan magaalada Beledweyne.

Khilaafka u dhaxeeya duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan iyo dowladda federaalka oo muddo dheer soo socday ayaa sababay in dib u dhac weyn oo ku yimid shirka maamul u sameynta labada gobol Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe oo ilaa waqtigan aan dhanna loo dhaqaajin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Onlin
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya