4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 11, 2016
Finland oo la noqotay xaquuq markii hore ay siisay dadka magangalyo doonka ah

Axad, Sitember 11, 2016 (HOL)-Dawlada Finland ayaa laanteeda socdaalka (Migri) ay bilowday inay diyaariso wareysiyo cusub oo loogu tala galay ama lala yeelanayo dad horay loo aqbalay in dalkaa sidii qaxooti ahaan ay ku joogaan.

Sidaa waxaa shalay galab sheegtay warbaahinta Finland. Warbaahinta ayaa sheegtay in dadka soo galootiga ah wareysiyada lagu celinaayo si loo ogaado inay waafaqayaan sharuudaha dawlada iyo in kale.

Matti Makarainen, oo ah madax qeybeed ka tirsan Migri ayaa sheegay in qaxootinimada qofka la kansalayo hadii la ogaado inuusan intii hore maahee mustaqbalka wixii markaa laga bilaabo uusan u baahnayn badbaadin dalkiisiina uu ku laaban karo.

Sabab kale ayaa ah in dadka qaxootinimada lasiiyay ay dalkoodii inta tagaan soo laabtaan taasina muujinayso in amni waxoogaa soo laabanayo.

Arinkaan cusub ee lasoo rogay ayaa waxaa uu saamaynayaa dadka Soomaalida ah iyo Ciraaqiyiinta.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]