4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 11, 2016
Maanta oo ay ku beegan tahay 15 sano guuradii kasoo wareegtay 9/11

Axad, Sitember 11, 2016 (HOL)-Maanta ayaa waxaa la joogaa 15 sano guuradii kasoo wareegtay 9/11 [Sitembar 11] markii la qarxiyay daarihii dhaadheeraa ee New York ee Xaruntii Ganacsiga Caalamka ee World Trade Centre.

Maalintaa oo ahayd 11kii bishii Sitembar sida hada bisha aanu ku jirno sanadkii 2001 ayaa waxaa diyaarado lagu dhuftay lagu burburiyay daarihii dhaadheeraa oo sidoo kale afka qalaad loo yaqaanay Twin Towers oo la macno ah daaraha mattaanaha ah. Waxaa sidoo kale isla maalintaa diyaarad ama diyaarado lagu weeraray xarunta ciidanka Mareykanka ee Pentagon. 

Intaa wixii ka dambeeyay ayaa dunidu isbaddashay, Mareykanka iyo xulufadiisuna waxay weerareen Afghanistan iyo meelo kale oo caalamka ah gaar ahaan caalamul Islaam.

Kala shaki ayaa dhashay caalamka oo idil iyo in la isweydiiyo cidda sida dhabta ah uga dambeysay falkaa gurracnaa.

Dad badan ayaa aaminsan in weerar argagixiso uu ahaa oo Mareykanka lagu bartilmaansanayay halka dad aad intaa uga badan ay qabaan in been abuur dadka Muslimiinta ah lagu maagayo uu ahaa iyo shirqool cadawga Muslimiintu Muslimiinta ku nabayeen si loo weeraro dalalkooda loona ugaarsado xataa kuwooda aanan waxba galabsan!

Waxaa aad loo xaddiday isu socodka iyo ganacsiga caalamka arintaa oo gaal iyo Muslimba noloshii ku adkeysay gaar ahaan dadka intiisa badan daafaha caalamka.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]