11/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 12, 2016
DOWLADDA SOMALIA: Somali badan oo Dibad-joog ah ayaa doortay inay kusoo laabtaan Dalka


Sabti, November 12, 2016 (HOL) — Inkastoo weli qaybo ka mid ah Somalia ay colaado ka socdaan ayaa haddana Soomaali badan oo dibad-joog ah waxay doorteen inay dalkooda dib ugu Laabtaan, sida ay Wakaalada Warrka Shiinaha ee Xinhua - u sheegtay Maryan Yaasiin Xaaji oo ka tirsan Xafiiska RW Xukuumadda Soomaaliya.

Maryan Yaasiin, ayaa Wareysi ay Kampala ku siisay Xinhua ku sheegtay in ay Tiro badan oo Soomaalida Qurbo-joogtada ah ay doorteen inay Dalkooad dib ugu laabtaan si ay Qayb uga qaataan xoojinta Ammaanka Soomaaliya.

“Dad badan ayaa waddanka ka maqan. Haddii aad dareento doonto inaad u isaagto nolosha oo keliya ma dhaqaaqi kartid, balse waxaa wanaagsan inaad wadankaada dib ugu Laabato,” ayay tiri - Maryan Yaasiin Xaaji oo ah Mas’uul Sare oo u Doodda Xuquuqda Carruurta iyo qoxootiga Soomaaliyeed.

Warbixin ay dhawaan soo saartay hay’ada Qoxootiga Adduunka ee QM soo saartay, waxay u sheegtay inay jiraan in ka badan 200,000 oo ka tirsan 600,000 oo Qoxooti Soomaaliyeed ah oo Yemen ku nool ay doorteen inay dib ugu laabtaan dalkooda. Halka 200 oo Soomaali ah oo ku sugan dalka Jabuuti ay iyaguna doonayaan inay Dib ugu noqdaan Waddankooda.

Sidoo kale, Maryan Yaasiin ayaa sheegtay in Baarlamaanka Federaalka laga Sugayo in ay meel-mariyaan sharci looga hor-tagayo tahriibinta iyo socdaalka sharci-darrda ah. Iyadoo Dowladda Somalia ay dhawr ka hadashay inay tiro badan oo dhallinyaro Soomaaliyeed ah ay dalka ka cararayaan ayna ku naf-waayaan badda Mediterranean-ka, iyagoo u tahriibayay dalalka Yurub.

“Waxaanu doonaynaa inaan wax ka qabanno sababaha asalka u ah tahriibka dhallinyarada Soomaaliyeed ee galaya tahriibka. Kuwaasoo ay ka mid yihiin fursadaha shaqo la’aanta ah ee dalka ka jira. Haddii wax laga qabto arrintan iyo kuwo kalena waxaan aamin-sanahay in hoos loo dhigi karo khataraha tahriibka,” ayay hadalkeeda ku dartay Maryan Yaasiin Xaaji.

Dhanka kale, Wakiilka QM ee Qoxootiga Somalia, Maxamed Cabdi Afeey ayaa isagana u sheegay Wakaaladda Wararka Shiinaha ee Xinhua, in weli ay Khatar ka jirto Soomaaliya, loogana baahan yahay beesha caalamka ka qayb-qaadato in rajada ay ka qabaan Qoxootiga Soomaaliyeed in dib ay ugu laabtaan dalkooda.

“Waxay dib u laabashadaan u baahan tahay in xoogga la saaro sidii looga heli lahaa Dalka gudihiisa waxyaabaha aasaasiga ah ee Qoxootiga laabanaya ay u baahan yihiin,” ayuu yiri Danjire Maxamed Afeey, isagoo ku baaqay in la sii wado taageerada Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaalya ka Hawl-galaya.

Ugu dambeyntii, Hadalkaan ayaa kusoo beegmaya iyadoo dhawaan Hay’adaha u Doodda Xuquuqda Aadanaha ay ku eedeeyeen Xukuumadda Kenya inay qoxootiga Soomaaliyeed ku jira Xeryaha Dhadhaab ku khasbayso inay dib ugu laabtaan waddankooda Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya