4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 25, 2016
Wakaaladii biyaha Kismaayo oo dib loo hawl-geliyay [Sawirro]


Arbaco, May 25, 2016 (HOL) —Wakaaladdii biyaha degmada Kismaayo ayaa dib loo howlgeliyay mudo 25 sano ah kadib, ayadoo dib u howlgelinta mashruucan ay iska kaashadeen warshadda biyaha Caafi iyo maamulka Jubaland.

Munaasibad xarigga looga jarayay mashruuca biyogelinta Kismaayo iyo dib u howlgelinta wakaaladdii biyaha ayaa lagu qabtay xarunta warshadda biyaha Caafi ay ku leedahay Kismaayo.

Maamulka Jubaland ayaa Warshadda biyaha Caafi oo ah shirkad ganacsi si KMG ah ugu wareejiyay mashruuca biyogelinta Kismaayo, waxayna shirkaddu dib u howlgelisay haanti keydka biyaha Kismaayo, ayadoo tuubo gelin ku sameeysay xaafadaha kala duwan ee magaalada.

Munaasibaddiii furitaanka mashruucan ayaa waxaa ka qeybgalay xubno ka tirsan golaha wasiirada Jubaland, masuuliyiin ka socotay rugta ganacsiga iyo warshada ee JCCI iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Kismaayo.

Ugu horeyn munaasibaddii xariga looga jarayay mashruuca waxaa ka hadlay Max’ed Cali Max’uud (Kallaay) oo ah maamulaha guud ee warshadda biyaha Caafi, isagoo ka warbixiyay waxyaalaha ay qaban doonaan.
Masuulkan ayaa sheegay in warshaddu ay bulshada Kismaayo gaarsiin doonto biyo tayadoodu sareeyso islamarkaana ay bulshada ka haqabtiri doonaan baahidii dhanka biyaha.

Wasiirka arimaha gudaha Jubaland Max’ed Warsame Darwiiish oo munaasibadda ka hadlay ayaa sheegay in arintan ay tahay tallaabo hore loo qaaday, isagoo ku booriyay ganacsatada reer Jubaland in ay dhulkooda maalgashtaan, isagoo sheegay in dowladdu dhul lacag la’aan ah ay ugu talogashay ganacsatada warshadaha iyo mashaariicda horumarineed ka fulineeysa magaalada.

Gudoomiyaha rugta ganacsiga iyo warshada Jubaland mudane Shaafi Raabi Kaahin ayaa ku booriyay ganacsatada in ay dalkooda maalgashtaan, isagoo sheegay in amniga Jubaland uu yahay mid la isku haleyn karo.

Ugu danbeyn waxaa  mashruuca biyogelinta Kismaayo xariga ka jaray wasiirka biyaha Jubaland Mudane Max’ed Sheekh Yuusuf, isagoo sheegay in howshan maanta la daahfuray ay tahay mid mudo dheer soo socotay ayna rajeeynayaan in bulshadu wax badan ka faa’iidi doonto.

Xasan Nuur, Hiiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.