4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 25, 2016
Gudiga gurmadka abaaraha oo Maanta ka hadlay Dhibaatada Baladweyne ka Taagan (SAWIRRO)


Arbaco, May 25, 2016 (HOL) — Guddiga Gurmada Abaaraha, ayaa Muqdisho ku yeeshay Maanta kulan looga hadlay Dhibaatooyinka Xilligaan haysta Shacabka ku dhaqan Gobolka Hiiraan, kuwaasoo ka dhashay fatahaada uu sameeyay wabiga shabeelle qaybta uu ka maro Gobolka Hiiraan.

Fatahaadda uu Gobolka Hiiraan ka sameeyay Webiga Shabeelle ayaa sababtay inay Shacab badan ka barakacaan huryahooda, Sidoo kalena waxay Fatahaaduhu saameeyeen Isbitaalkii Baladweyne iyo Goobo Ganacsi si loogu Gurmado Shacabka ay Saameeyeen Fatahaadaha.

Sidoo kale, Guddiga ayaa sheegay inay aad uga Dan-qanayaan musiibada haysata shacabka Reer Hiiraan, iyagoo Guud ahaan Ganacsatada iyo Dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay si deg-deg ah ugu Gurmadaan dadkaasi.

Caasho Shaacuur Ugaas oo ka mid ah xubnaha guddiga gurmadka abaaraha & Fatahaadaha ayaa xustay in dhibaatadda Hiiraan ka taagan ee Webiga uu sababay aysan aheyn in Shacab iyo Dowlad ay indhaha ka laabtaan, balse loo baahan yahay in si wadajir ah loogu gurmado dadkaasi .

Dhanka kale Axmed Cilmi Muxumed oo dhawaan kasoo laabtay degmada Baladweyn ayaa sheegay in indhihiisa uu ku arkay dad badan oo la tacaalayo sidii ay u dhex-jeexi lahaayeen biyaha, waxay mararka qaar biyuhu ku is-taagayaa buu yiri Meel aanan ka Fogeyn Qaar ka hore, isagoo xusay in Dowladda Somalia iyo Shacabka Ca codsanayaa inay xoog iyo xoolo ku deeqdaan dadka ay saameynta ku yeelatay Fatahaada.

Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Gurmadka Abaaraha, Batuulo Sh. Axmed Gaballe ayaa iyadana goobta ka sheegtay in Guddi ahaan ay ku Caawinayaan wixii ay awoodi karaan ee ay kasoo ururiyeen shacabka Soomaaliyeed, laakiinse waxaa loo baahan yahay bay tiri in si wadajir ah loogu gurmado dadka ay colaadaha iyo fatahaadaha isugu darsameen ee ku nool gobolka Hiiraan.

Ugu dambeyntii, Ma sahlana dhibaatada ka taagan Gobolka Hiiraan, laakiinse waa Arrin ay wax ka Qabashadeeda u Taallo Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladda Somalia oo Mas'uul ka ah Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya