4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 25, 2016
DAAWO: Guddi uu Magacaabay Ugaas Xasan iyo Hormuud Foundation oo ku Kulmay Baladweyne


Arbaco, May 25, 2016 (HOL) — Kulankii u Horreeyay ayaa Maanta degmada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ku dhax-maray Guddi Ugaas Xassan Ugaas Khaliif uu u saaray wax ka Qabashada Xaaladda ka taagan Beledweyne iyo Mas'uuliyiinta Hay’adda Hormuud Foundation oo ka wadahadlay sidii gargaar degdeg ah loola gaari lahaa dadka ay Fatahaadu saameynta adag ku yeelatay.

Guddigaan oo ka kooban odayaal-dhaqameed iyo ganacsatada, ayaa ugu horeyn uga mahad celiyay Hormuud Foundationay Tallaabada markiiba qaadday si loo gaargaaro dadweynaha dhibaateysan, kaddib markii ay ballan-qaadeen inay kaalmo hor-dhac u fidinayaan sida ugu dhaqsiyaha badan ilaa 1000 qoys.

C/raxmaan Ibraahim Cilmi - oo ka tirsan Hormuud Foundation, ayaa ugu baaqay ummadda Soomaaliyeed inay gacan ka geystaan gargaarrada loo fidiyo Shacabkii fatahaada Degmada Baladweyne ku barakacay, isagoo yiri.''Runtii reer Beledweyne dhib weyn ayaa ku dhacay, Waxaanan leenanhay Bulshada Soomaaliyeed, waa in la soo eegaa dadkaan, si looga wada qeyb-qaato gargaarka loo fidinayo.

Guddiga iyo Mas'uuliyiinta Hormuud Foundation, ayaa isla gartay baaxadda Dhibaatada ka jirta Magaalada Baladweyne iyo Xaaladda adag ee Waqtigaan ay Wajahayaan Shacabka ku dhaqan Beledweyne oo intoodii badneyn u barakacay deegaanka Ceel-jaale.

Ugu dambeyn, Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa sheegay in dhibaatada jirta looga bixi karo oo kaliya siduu hadalka u dhigay in bulshada u is-caawiso, isagoo dhinaca kale xukuumada Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in ay Gacmaha ka laabatay wax ka qabashada Xaalada adag ee waqtigan ka jirta Magaalada Beledweyne.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya