4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 25, 2016
SAWIRO: Guddoomiyaha WADANI oo Maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Hargeysa


Arbaco, May 25, 2016 (HOL) — Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro, ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu safar shaqo ku maqnaa dalalka Maraykanka iyo Canadda.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, C/raxmaan Cirro ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay Garoonka Hargeysa, Waxaana ka Hor-tagay Mas'uuliyiinta iyo Taageerayaasha Xisbigaasi ee magaalada Hargeysa.

Guddoomiye Cirro, ayaa ka jawaabay hadal laga soo Wariyey oo Warbaahinta Gudaha iyo Xisbiyada kaleba ku dhaliileen, taasoo uu ka sheegay madal lagu casuumay oo Canadda ka dhacay, waxaana xisbiyada qaar ku dhaliileen inuu gudoomiyaha xisbiga WADANI ka soo yeedhay kalmad ah inuu dood ka qabo 18 may, taas oo si weyn loogu dhaliilay.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI oo dhaliisha iska leexinaya waxa uu yidhi  “18ka May, Waa Maalintii Qaranka, Waa Maalinteydii, Waa Maalintiinii, Waa maalintii Somaliland, balse Somaliland, waxa ay lee dahay taariikh weyn oo ka horreysay 18ka May, waxa aynu gobanimadeenna Qaadanay 26-kii Juun 1960-kii, Waxaynu lasoo noqonayna waxay ahayd 26-kii oo ahayd 18kii May, waa in la ixtiraama 18ka May, taariikhaha kale ee Somaliland-na waa la ixtiraamaya, tii Daraawiishta ayaa la ixtiraamayaa, Somaliland waa la wada lee yahay.”

Sidoo kale, Mar uu ka Hadlayay Siyaasadda Arrimaha Dibadda Somaliland, wuxuu yidhi “Xukuumadda Somaliland ee hadda jirta ama midda imanaysa, Qurba-joogooda iyo shac-bigooduba haddii ay iskaashadaan, in wax badan ay ka bedeli karaan sida ay hadda tahay siyaasadda arrimaha dibaddu”

Guddoomiye Cirro, ayaaa xusay in maalgalinta dekadda Berbera uu taageersan yahay balse xusay in sharciga la mariyo oo baarlamaanka la hor geeyo heshiishkaasi.

“Horumarka Somaliland, Waanu Taageersan-nahay boqolkiiba boqol 100%, waxaana aanu jecel nahay inaanu cid kasta uga lexlo jeclo badan nahay, dekadda Berbera-na xukuumadda waxa aanu ku Niri baarlamaanka keena wixii aad heshiiska ku saxeexdeen ee aad shacabka uga Wakiilka ahaydeen. Wax kasta Sharci ayaa loo marayaa ama Heshiis ha noqdo ama ha noqoto wareejin, marka haddii la wareejinaayo sharci baa lagu wareejinayaa, haddii sharci darro lagu wareejinaayana sharci maaha.”.

Guddoomiye Cirro oo ka hadlayay Dalalkii uu Safarka ku maray waxa uu yidhi “Waxaanu ku maqneyn safar muddo bil ah qaatay, oo runtii ahaa safar shaqo qarana, waxaanu tagnay Waddamada Mareykanka iyo Canada, Waxaanan Xukuumadda Mareykanka kala kulanay wasaaradeeda arrimaha dibadda, Kongeraska iyo Senatka labadaba, waxa kale oo aanu la kulanay mas’uuliyiin iyo diblomaasiyiin ba, ana oo Kulammo la Qaadanay Mas’uuliyiinta goballada(State’s) aanu maraynay, haday yihiin Kongaras iyo haddii ay Senatkooda yihiin ba. Sida oo kale isna dalka Keneda waxa aanu la kulanay Mas’uuliyiinta iyo Senatka. Intaa waxa noo Weheliyay in aanu iyagana la kulmay Guud ahaan Jaaliyadaha Reer Somaliland dhamaantood magaalooyinkii aanu tagnay, waxaa kaloo aanu la kulmay Madaxda Xisbiga iyo Laamahooda, ana oo Shacabka Reer Somaliland-na Xuskii Sannad Guuradii 25-aad ee 18ka May, aanu kala qeyb-galnay shacabka reer Kanada ee ku dhaqan magaalada Toranto, waxaana aanu shacabka Somaliland ku hambalyeynaynaa maalinta qaranka, ciid wanaagsan ayaanu lee nahay.”

Barkhad-ladiif  M. Cumar
[email protected]
Hargeysa, Somaliland