4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 25, 2016
Shacabka Baladweyne oo ku eedeeyay Dowladda Federaalka Somalia inaysan lasoo gaarin kaalmo


Arbaco, May 25, 2016 (HOL) — Dadweynaha ku nool Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka Somalia, inaysan wax Kaalmo ah soo gaarin tan iyo markii ay fatahaaddu ku dhufatay magaaladooda.

Magaalada Baladweyne, ayaa waxaa muddo toddobaad ka badan ay ku jitaa xaalad adag oo dhanka nolosha ah, kaddib markii Webiga Shabeelle uu ku fatahay xaafadaha ay ka kooban tahay magaaladaas, fatahaadaas oo sababtay inay - inta badan Shacabkii ku noolaa ay isaga barakacaan.

Ugaaska Xawaadle, Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo la hadlayay Shacabka reer Baladweyne ayaa ku eedeeyay xukuumadda federaalka Somalia inaysan weli kaalmo soo gaarsiin, balse ay kaalmo kooban ka heleen Xukuumadda Itoobiya.

“Dadweynaha ku nool Gobolka Hiiraan, waxaan u sheegayaa inaysan weli kaalmo ka helin Dowladda Somalia, balse taas badalkeeda ay kaalmo ka heleen Itoobiya, ayna u soo direen Guddi qiimeyn ku sameeya xaalada ka jirta magaalada,” ayuu Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Sidoo kale, Ugaaska oo sii hadlay ayaa mar kale yiri. “Waxaan Dadweynaha Reer Hiiraan u sheegayaa inaysan Dowladda Federaalka Somalia waxba ugu oolin oo ay ka Tashadaan.”

Ugaas Xasan, ayaa Hadalkiisa ku daray, inay Nasiib-darro weyn tahay in Dowladda Somali ay Gurmadyo la gaarto xilliyadii abaaraha jireen deegaanno kala duwan oo ay ka mid tahay Somaliland, laakiinse aysan weli Kaalmo soo gaarsiin shacabka Reer Hiiraan.

Fatahaadaha ku dhuftay Xarunta Gobolka Hiiraan ee Baladweyne, ayaa waxay sababeen in gabi ahaan shacabkii ku noolaa magaalada ay ka barakacaan, iyagoo ku sugan Dulleedyada Baladweyne, iyagoo aan haysan cid caawisa iyo Cunno ku filan. Ganacsatadii magaaladana ay alaabadoodii kala baxeen goobahoodii ganacsi kaddib biyo fara badan ay galeen.

Ugu dabmeyn,  Iyadoo fatahaada ku dhufatay Degmada Baladweyne ay Noqonayso middii ugu xumayd ee soo marta mudo 30-sano ah, ayaa waxaa laga baqdin qabo inay Fatahaadan ka dhashaan cuduro ay ka mid yihiin; Shuban-biyood iyo Mallaariyo, isla markaana sababi kara dhismo fara badan.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya