4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 25, 2016
Guddoomiyaha Baladweyne oo ka Hadlay Xabad-joojin la Dhax-dhigay Kooxihii Dagaallamayay


Arbaco, May 25, 2016 (HOL) — Guddoomiyaha Degmada Beledweyne, Max'ed Macallin Cismaan Qalafoow, ayaa sheegay in si rasmi ah loo soo Af-jaray Dagaalladii dhawaan labo maleeshiyo beeleed ku dhaxmaray xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne.

Isagoo la hadlayay VOA-da, ayuu sheegay in la kala qaaday maleeshiyaadkii dagaallamay, islamarkaana la dhigay goobihii lagu dagaalamay ciidamo ka badax-banaan labada dhinac.

''Xabad joojin rasmi ah aya laga gaaray dagaalka, waxaan rajeyneynaa ka maamul ahaan in mar kale aysan dagaalladaa dib u soo laaban'' ayuu yiri guddoomiyaha Baladweyne.

Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in Ciidanka Jabuuti ay qeyb ka qaateen Xabad-joojinta, waxaana uu meesha ka saaray dagaaladaas yihiin kuwo siyaasadeed.

''Dagaallada ma'aha kuwo siyaasadeed, laakiin waa dagaal ku saleysan oo kaliya qabiil iyo dad la kala dilay'' ayuu yiri guddoomiyaha.

Xaafadda Howl-wadaag ee Degmada Beledweyne ayaa degan tan iyo markii la kala Dhax-galay maleeshiyaadka dagaalamay, laakiin dadku kalsooni badan kuma qabaa arintaa iyada ah oo waxaa xaafada ka barakacaya qoysaskii ku go'doonsanaa oo ka faa'ideysanaya xabad joojinta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne. Soomaaliya