4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 25, 2016
Dadka Daggan Magaalada Maua ee Dalka Kenya oo Ka Cabanaya Ganacsatada Soomalida ah ee Khaatka

Wiil jaad guraya/beeraha jaadka ee magaalada Maua, KENYA.


Arbaco, Mey 25, 2016 (HOL)-Beeraleyda jaadka ee Magaalada Maua ee Degmada Meru ee dalka Kenya ayaa ka cabanaya sida ay ula dhaqdaan dadka Soomalida ah ee halkaasi kawata ganacsiga jaadka.

 

 Nin jaad guraya/beeraha jaadka ee magaalada Maua


Dadka deegaanka ayaa sheegay in marka ay ganacsatada Soomalida ah ay ka qaatan jaadka aysan lacagta bixinin waqtigii lagu heshiiyay inay keenaan taas oo ay sheegeen in ay dhibaato ku tahay nolol maalmeedkooda ay jaadka oo ay abuurtaan ay ka raadsadaan.

 

 

 

Waxay sidoo kale sheegeen beeraleydaasi magaalada Maua daggan in hadii ay kusoo wargaliyaan booliska arintaas aan inta badan wax laga qaban cabashadooda wax tillaabo ahna aysan boolisku qaadin.

 

Ganacsato Soomaliyeed oo badan oo ka shaqeysta jaadka ayaa kusugan Magaalada Maua oo katirsan degmada Meru halkaasi oo ay ka baxaan geedaha lagasoo guro jaadka.

  

Warsame
[email protected]