4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 25, 2016
Tagaasiidii 124-ka ee Soomaaliya Tagaasii Noocee ah ayaa Baddalay?

 

Tagaasiidii lahaa  midabada casaanka iyo jaalaha/xaquuqda sawirka waxaa leh KeydMedia


Arbaco, Mey 25, 2016 (HOL)-Dalka Soomaaliya gaar ahaan caasimada Muqdisho waxaa sanadihii sideetameeyadii caan ka ahaa gawaarida 124-ka kuwaasoo ahaa gaadiidka ugu badan waddooyinka Xamar.

 

1980kii ilaa 1991 ayaa waxaa aad ugu badnaa Soomaaliya gaar ahaan waddooyinka Xamar iyo Baydhabo nooca tagaasida ah ee 124 loo yaqaano. Weliba kuwa Xamar ama Muqdisho ayaa lahaa midabo soo jiidasho leh oo isugu jiray midab cas iyo mid jaale ah.

Sidaan ayuu gaariga 124 u ekaan jiray oo midabo midabkaan cagaarka ah uu ka mid yahay ayuu lahaan jiray markii aan tagsi laga rabin ee shakhsi ama qoys usoo gato inuu isticmaalo!


Gawaaridaa 124 ayaa aan tagaasii in laga dhigo oo kaliya aan loo adeegsan jirin ee waxaa sidoo kale qoysaska iyo shakhsiyaadka intuba ay ka dhigan jireen gaadiid ay kusoo adeegtaan. Kuwa shakhsi ama sida gaarka qoysasku u isticmaali jireen tagaasiida waa ay ka midabo duwanaayeen. Nin walba ama qof walba iyo dookhii ayay ahayd.

 

Gawaaridaa oo sidoo kale loo yaqaanay magaca Talyaaniga ah ee Janta Finti Kuwaataro (124) , waa ay adag tahay maanta in hal mid aad ku aragtid waddooyinka Xamar iskaba daa qeybaha kale ee Soomaaliya.

 

Hadaba waxaa la isweydiin karaa, 'maxaa baddaly oo haatan tagaasii ahaan looga isticmaalaa Soomaaliya ama gaar ahaan Xamar?'

 

Waddooyinka Xamar haatan waxaa heysta bajaaj gaar ahaan jidadka Taalada Sayid Maxamed Cabdulle Xasan iyo Bakaaraha isku xira.

 

 

Hadaba dad badan ayaa waxay is weydiin karaan marka laga hadlaayo gaadiidka tagaasii ahaan loo isticmaalo Xamar hada iyo kuwii hore ee 124-ka oo lais barbar dhigo, ma dib u dhac ayaa nagu yimid mise horumar ayaan samaynay? 

 

 

Dadka qaarkii markii arinkaas aad usoo bandhigto waxay ku leeyihiin waxaan dib uga dhacnay 26 sano meeshii aan joognay!

   

Tagaasii mibado kale leh oo dhawaan soo galay waddooyinka Xamar


Si kastaba ha ahaatee, Xamar haatan waxaa ka jira oo dhawaan laga hirgaliyay shirkado kale oo tagaasii oo midabo kala duwan  ay tagaasiidoodu leeyihiin.

 

Warsame
[email protected]