4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 25, 2016
SAWIRRO: Hoggaanka cusub ee NUSOJ oo lagu Caleemo-saaray Xaflad lagu Qabtay Muqdisho

Arbaco, May 25, 2016 (HOL) — Ururka suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ oo loo doortay dhawaan Hoggaan cusub ayaa shalay xaflad ku qabtay Muqdisho, taasoo looga hadlay hawlaha ururkan horyaalla, maadaama uu hoggaan cusub yeeshay.

Guddoomiyaha Cusub ee Ururka NUSOJ, Maahir Jaamac Aadan ayaa sheegay inuu ururku muddo 16 casho ah uu Muqdisho uga socday shirweyne lagu soo doortay hoggaanka cusub ee NUSOJ.

“Xafladdan NUSOJ iyo doorashada hoggaankiisa cusub, waxay ku soo beegmaysaa xilli xasaasi ah oo loo diyaar-garoobayo Doorasho,waxaan ugu baaqeyaa Dowladda Somalia inay tixgeliso Saxaafadda xorta ah si u soo gudbiyaan qaabka doorashada,” ayuu yiri afhayeenka UNSOM oo xafladda ka hadlay.

Sidoo kale, waxaa isna goobta ka hadlay wakiil ka socday Hay’adda Vikas, Mr. Beck oo sheegay inuu wakiil ka yahay Saxafiyiinta Caalamka, ayna hoggaanka cusub ee NUSOJ soo dhaweynayaan.

Xoghayaha cusub ee NUSOJ, Maxamed Ibraahin Macalimuu oo isna munaasabadda ka hadlay ayaa xusay in Suxufiyiinta Soomaaliyeed uu haatan u furmay bog cusub, isagoo u mahad-celiyay guddigii badbaadada Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo kasoo shaqeeyay inay Midoobaan Suxufiyiinta.

“Waa wax lagu farxo in Suxufiyiinta Shir-weynaha ka Qayb-galay ay ka kala yimaadaan dhamaan gobollada dalka, ayna doortaan hoggaan cusub, taasoo Xusuusineysa xilliyadii Dowladdii hore oo dadku is-dhex-geli jireen,” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee NUSOJ.

Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac oo ka mid ah xubnihii ka qayb-galay munaasabadda ayaa ku ammaanay Xoghayaha Guud ee NUSOJ wadaniyad, wuxuuna sheegay inuu diiday inuu dego dalka Ingiriiska, isagoo doorbiday inuu dalkiisa kusoo laabto oo uu shacabkiisa u shaqeeyo.

Ugu dambeyn, waxaa ka hadlay xafladda wasiir-u-dowlaha wasaarada warfaafinta Somalia oo sheegay inay wasaarada warfaafinta Somalia xilli walba u taagan tahay inay la shaqeyso Suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya