4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 24, 2016
SAWIRRO: Ololaha Qaad-diid oo looga horjeedo Jaadka oo Maanta ka dhacay MUQDISHO

Talaado, May 24, 2016 (HOL) — Waxaa Magaalada Muqdisho si weyn looga dareemayaa Ololaha Qaad-diid oo Toddobaadkaan ka Socda Muqdisho, ololahaan oo ah mid horay ugu soo Guuleystay dalka Ingiriiska ayaa sannadkii lasoo dhaafay ka billaabay gudaha Somalia, waxaan muuqda guul is-daba-joog ah.

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markii uugu horreysay sheegay in Qaadka la joojin doono, marka horase la yareyn doono, iyadoo baaqa Madaxweynaha uu imaanayo xili kala-guur ah oo lagu wado inay dalka ka dhacaan doorashooyin.

Sidoo kale, lama oga sida uu ballan-qaadka Madaxweynuhu u dhaqan-geli doona; waxaase degmooyinka iyo Jaamacadaha Muqdisho ka socda kulamo is-daba-jooga ah oo lagu taageerayo Ololaha Qaad-diid, isla markaasna lagu soo Dhaweeynayo baaqii kasoo yeeray Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh.

Ololaha Qaad-diid, ayaa saakay lagu soo dhaweeye University of Somalia (UNISO) oo lagu qabtay kulan, kaasoo mid qiiro iyo xamaasad huwanaa; ayay Maamulka Jaamacadda iyo Ardaydu si wadajira ugu baaqee in Somalia laga joojiyo Qaadka oo dhibaato badan ku haya bulshada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Madaxa Ololaha Qaad-diid, Abuukar Cawaale Qaad-diid oo la hadlay boqollaal Arday ah, ayaa baaq u diray Xukuumadaha Qaadka u soo dhoofsada dalka isagoo xusay in maalmihii qaadka ay kasii dhammaanayaan Somalia, ayna beertaan Qudaarta kana tanaasulaan Ganacsiga Qaadka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya