4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 24, 2016
Taliyihii Qaybta Ciidamada Booliiska ee Gobolka Banaadir oo Saaka ku Dhawaaqay inuu is-casilay


Talaado, May 24, 2016 (HOL) — Taliyihii ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir, Jen. Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) ayaa ku dhawaaqay inuu xilkii iska casilay, wuxuuna ku sheegay hadal uu warbaahinta Muqdisho siiyay, inaysan jirin ruux ku khasabtay in uu xilkaan iska casilo, aysan jirin cid uu dacwo ka yahay.

Jen. Cali Gaab oo horay u ahaa taliyaha ciidamada amniga waddooyinka Muqdisho ee Taraafikada, ayaa waxaa sannadkii hore loo dhiibay xilka taliyaha booliiska gobolka Banaadir.

“Maanta, waxaan caddeynayaa inaan ka tagay shaqadii Taliyaha qaybta Ciidanka Booliiska ee Gobolka Banaadir, ma jirto cid igu khasabtay, mana jirto qof aan dacwo ka ahay,” ayuu yiri Jen. Cali Gaab oo warbaahinta la hadlayay.

Sidoo kale, Taliyihii Booliiska Gobolka Banaadir, ayaa sheegay inuu go’aansaday in uu xilka ka tago, wuxuuna intaas ku daray inuu diyaar u yahay inuu ku gacan-siiyo laamaha amniga sidii loo adkeyn lahaa ammaanka Caasimadda.

Ugu dambeyn, Jen. Cali Gaab ma uusan faahfaahin sababta dhabta ah ee keentay inuu iska casilo, xilka, iyadoo tani ay kusoo beegmayso xilli muddo kooban ay ka harsan tahay xilli hawleedka Xukuumadda Somalia.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya