4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 24, 2016
Hub La Damacsanaa in Lagu Weeraro Kenya oo Lagu Qabtay Soomaaliya

 

 

 

Talaado, Mey 24, 2016 (HOL)-Ciidamada Milatariga ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen hub la damacsanaa in si qarsoodi ah gudaha loogu soo galiyo Kenya isla markaana la doonayay in loo adeegsado weeraro laga fuliyo magaalooyinka ku yaalla xadka kala qeybiya Kenya iyo Soomaliya.

 

Wasiir ku xigeenka amniga ee maamul goboleedka Jubaland Cabdirashiid Xassan ayaa sheegay in hubka la qabtay uu ku wajahnaa magaalooyinka Mandheera iyo Buula Xaawo.

 

Howlgalkaasi hubka lagu soo qabtay ayuu sarkaalkan sheegay in uu dhacay maqribnimadii maalintii talaadada ahayd ee lasoo dhaafay.

 

Hubka la qabtay oo noocyo kala duwan ka koobnaa ayaa waxaa ka mid ahaa waxyaabaha qarxa, bambo gacmeedyo, bambooyinka rimuudka lagu hago, rasaas iyo waxyaabo kale.

 

Hase ahaatee, Lama sheegin in dad loo soo xiray safrinta hubkaasi iyo in kale.

 

Gudoomiyaha degmada Mandheera Fredrick Shisia oo u hadlay dowladda Kenya ayaa ciidamada Soomaliya uga mahad celiyay tillaabadaasi ay qaadeen oo uu ku tilmaamay mid wax ku ool ah.

 

Warsame
[email protected]