4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 24, 2016
Pakistan oo Mareykanka ku eedeysay inuu ku xad gudbayo madaxbanaanideeda

 

 

Talaado, Mey 24, 2016 (HOL)-Dowladda Pakistan ayaa eedeyn kulul dusha uga tuurtay dowladda Mareykanka, iyadoo cambaareysay howlgallada Milatari ee ay xukuumadda Washington ka sameyso gudaha dalka Pakistan.

 

War kasoo baxay xukuumadda Islamabad ayaa lagu sheegay in duqeyntii ay diyaaradaha drones-ka Mareykanka ka geysteen dhulka Pakistan gudihiisa ay xad gudub ku tahay sharafta iyo madax banaanida dalka Pakistan.

 

Pakistan ayaa ka carootay howlgal ay aroornimadii hore ee maalintii Sabtida ahayd diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ay ka fulisay meel ka tirsan Pakistan, xili duqeyntaas lala eeganaayay hoggaamiyaha kooxda Taliban ee wadanka Afganistan Mullah Akhtar Mansoor.

 

Warar soo baxay ayaa sheegaya in gantaallada ay tuurtay diytaaradda drone-ka ah uu ku dhintay hoggaamiyaha Taliban.

 

Tillaabada ay diyaaradda Mareykanka laga leeyahay howlgalka uga fulisay Pakistan ayaa la rumeysan yahay in ay tahay tii ugu weyneyd ee lagu dhaqaaqo tan iyo wixii ka dmabeeyay markii uu Mareykanka howlgal ka dhacay Pakistan ku dilay hoggaamiyihii hore ee Al Qaacida, Cusaama Bin Laden, waa sanadkii 2011.

 

Warsame
[email protected]