4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 24, 2016
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya: Go'aanka Lagu Xiraayo Xeryaha Dhadhaab waa Kama Dambeys

 

Talaado, Mey 24, 2016 (HOL)-Madaxweyne ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa sheegay in go'aanka lagu xiraayo xeryaha Dhadhaab ee dawlada Kenya ay dhawaan gaadhay uu yahay kama dambeys iyo mid aanan laga noqon doonin.

Ruto oo ka hadlaayay Shirweynaha Gargaarka Caalamka ee Istanbul Turkiga ka socda shalay ayaa beesha caalamka u sheegay in dadka doonaya inay caawiyaan qaxootiga xeryaha Dhadhaab ay lacagaha deeqda ah ee ay siinayaan u diraan Soomaaliya si halkaa dib loogu celiyo.

Shirkaas oo shalay ka furmay Istanbul Turkiga ayaa socon doona ilaa maanta galinka dambe waxaana ka qeyb qaadanaya madax badan oo caalami ah iyo ururada aan dawliga ahayn.

Waxaa kasoo qeyb galay madaxweyneyaal badan oo uu kujiro madaxneyna Soomaaliya, Xassan Sheikh Maxamuud. Waxaa sidoo kale kasoo qeyb galay Xog-hayaha Guud ee QM Ban Ki Moon.

Ruto ayaa sheegay in joogitaanka qaxootigaa ay ammaan darro u keeneyso Kenya, in deegaanka aysan u rooneyn iyo in ay kordhiyaan ka ganacsiga alaabada koontarabaanka ah.

Arimahaas oo dhan ayaa horay looga dhawaajiyay marar badan shirweynahaan ka hor laakiin badankood dhalliilahaa dad badan ayaa gaashaanka u daruuray oo diiday gaar ahaan in ammaan darro ay usoo jiidaan qaxootigaasi Kenya.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweyne ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa sheegay in xiritaanka xeryahaasi ay qaxootiga ugu jirto danta ugu wanaagsan.

Warsame
[email protected]