4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 23, 2016
Taliyaha Booliska Soomaaliya iyo madaxweeynaha Jubaland oo tababar usoo xiray ciidamo Boolis ah


Isniin, May 23, 2016 (HOL) — Madaxweeynaha Jubaland Mudane Axmed Max'ed Islaam iyo taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya Jen. Max'ed Xasan Xaamud ayaa maanta si wadajir ah tababar ugu soo xiray 300 oo askari oo kamid ah booliska Jubaland, kuwaa oo uu usoo dhamaaday tababar.

Taliyaha Booliska iyo xubno saraakiil ah oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya iyo AMISOM ayaa saaka soo gaaray Kismaayo, waxaana intaa kadib ay toos u aadeen xarunta lagu tababaro Booliska ee nawaaxiga garooonka diyaaradaha Kismaayo, halkaasoo lagu qabtay munaasibad tababar loogu soo xirayay dufcaddii ugu horeeysay ee ciidamada Jubaland.

Ciidamada tababarka loo soo xiray ayaa goobta kusoo bandhigay waxyaalihii ay barteen.

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya Jen. Max'ed Xasan Xaamud oo ugu horeeyn madasha ka hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay wado qorshe la isugu dhafayo ciidamada kala duwan ee dowladda, si looga maarmo ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya islamarkaana amniga dalka ay ula wareegaan ciidamada Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa ku booriyay ciidamadii tababarka loo soo xiray in ay bulshada ugu shaqeeyaan si ay wadaniyad ku dheehantahay islamarkaana ka hortagaan wax walba oo qatar u ah nabadgelyada guud ee dalka.

Madaxweeynaha Jubaland Mudane Axmed Max'ed Islaam oo ugu danbeyn munaasibad ka hadlay ayaa sheegay in ciidamadan tababarka loo soo xiray laga doonayo in ay u adeegaan bulshada islamarkaana ka howlgalaan deegaanada Jubaland.

Madaxweeynaha ayaa uga mahadceliyay dowladda Soomaaliya kaalinta ay ka qaadatay tababarka ciidanka, isagoo sheegay in askartan laga doonayo in ay bulshada ugu adeegaan cilmiga ah barteen.

................
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.