4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 23, 2016
SHARMA'ARKE: Waa in loo Gurmadaa Shacabka Fatahaaddu ku Saameysay Degmada Beledweyne


Isniin, May 23, 2016 (HOL) — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali ayaa maanta ku baaqay in gurmad deg-deg ah loo fidiyo dadka Soomaaliyeed ee dhibaatooyinku ay kasoo gaareen Fatahaadaha uu wabiga Shabelle ku sameeyay magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan iyo Deegaannada ku dhaw-dhaw.

Sharma’arke ayaa xusay in xukuumadda Soomaaliya ay qaadi doonto tallaabooyin deg-deg ah oo gurmad loogu fidinayo shacabka ay Dhibaatadu soo gaartay. Isagoo dhinaca kale ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed ee wax haysata iyo Beesha Caalamka ay gurmad u fidiyaan shacabka Tabaaleysan.

“Xukuumadda Somalia waxay u fidin doontaa gargaar bulshada dhibaatadu gaartay, xaalad aad u adag ayaana laga soo sheegayaa Deegaankaas, Dadka qaarkoodna waxay ka carareen guryahooda iyagoo aan xitaa wadan wax agab ah; kaddib markii ay fatahaaduhu u saamixi-waayeen inay qaataan alaabahooda, waxaana ugu baaqayaa dadka Soomaaliyeed & Beesha Caalamka inay gargaar deg deg ah lasoo gaaro Dadka ku barakacay fatahaada oo aan hadda haysan wax hoy ah,” ayuu yiri RW Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Barakaca Baladweyne ka socda ayaa gaaray heerkii ugu sareeyay, Waxaana jira boqolaal qoys oo wali ku dhax-xayiran fatahaada xad-dhaafka ah ee Webigu sameeyay. Waxaana ugu daran Xaafadaha Xaawo-Taako iyo Kooshin marka loo eego qaybaha kale ee Magaalada, Halkaasoo Shacabkii ku Noolaa ay intooda badan ka Barakaceen.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya