4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 23, 2016
Dowlada Liibiya oo gacanta ku dhigtay Doommo siday Boqolaal Afrikaan ah oo Tahriibayaal ahaa


Isniin, May 23, 2016 (HOL) — Afhayeen u hadlay xukuumadda Liibiya ayaa sheegay inay qabteen Toddobo doomood oo siday dad ka kala yimid dalal badan oo Afrikaan ah, kuwaas oo ay ku jiraan 79 haween ah oo 11 ka mid ah ay uur leeyihiin.

Doomahaas, waxaa laga qabtay meel u dhaw Sabratha oo galbeedka kaga began magaalada Caasimadda ah ee Tripoli. iyadoo In ka badan 30,000 oo tahriibayaal ah oo Wadanka Libya ka gudbay ay gaareen dalka Talyaaniga Sannadkan lagu jiro oo keliya.

Arrintaan, waxay imaanaysaa iyada magaalada Istanbul uu ka furmayo kulankii koobaad ee Caalamku uu uga arrinsanayo arrimaha banii-aadminimada ee QM ay soo qaban qaabisay.

Hoggaamiyeyaal dalal dhawr ah, Hay’adaha Samafal iyo kuwo kale ayaa ka arrinsan doona jawaab-celinta Maaliyadeed ee Arrintaan iyo sida ugu Wanaagsan ee loo caawin in kor loo qaado baahiyaha ugu waaweyn ee ay arrintaan u qabaan.

Qaramada Midoobay, waxay sheegtay in 15 bilyan oo doolar ay ka hoosayso kharashaadka Gargaarka ee Sannadkii loo baahan yahay, lacagiha iyo deeqda la helana aysan soo dhaafin arrimaha aasaasiga ah.

Si kasta ha ahaatee, Hay’ada Dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ayaa diiday in ay ka qayb gassho shirkan, waxayna ku doodayaan in aan dawladdaha culays lagu saarin inay jabiyaan xeerarka xuquuqda aadanaha, isla markaasna aysan kasoo bixi doonin balan-qaadyo cusub.

XIGASHO: BBC