4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 23, 2016
Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo dhawaan si Rasmi ah loogu caleemo-saari doono BALADWEYNE


Isniin, May 23, 2016 (HOL) — Shir ay Maanta Magaalada Beleweyne ee Gobolka Hiiraan ku yeesheen; odayaasha-dhaqanka, waxgarad iyo cuqaal kasoo jeeda Xawaadle, ayaa looga wada-hadlay qaban-qaabada caleemo-saarka; Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo ah Ugaaska bedeli doona ALLAHA u raxmadee walaalkii Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo 03-dii bishii Janaayo ee 2016-ka ku geeriyooday Magaalada Beledweyne.

Wax-garadka iyo Odayaasha shirka ku yeeshay magaalada Beledweyne ayaa isku af-gartay in Ugaaska Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble uu Noqonayo - Ugaaskii 19-aad ee beesha, waxaana lagu wadaa in ka hor bisha Ramadaan ee soo socota lagu caleemo saaro Degmada Beledweyne.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, ayaa Tan iyo markii uu Geeriyooday Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif, si KMG ah u hayay Xilka; Ugaaska Beesha, Balse wixii Maanta ka dambeeya ayaa Waxaa uu si buuxda u noqonaya Ugaaska Rasmiga ah Beesha.

Ugu dambeyn, Ugaaska ayaa bilihii u dambeeyay si weyn uga soo dhax-muuqday arrimaha Dhaqanka iyo siyaasadda Soomaalida, wuxuuna dhawaan Beledweyne ka Furay Shirweyne dib-u-hishiisiineed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya