4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 23, 2016
Fatahaada Magaalada Beledweyne & Mashquulka Shacabka ka Barakacaya Guryahooda (SAWIRO)

Isniin, May 23, 2016 (HOL) — Xaaladda Magaalada Beledweyne ayaa Cakiran, Waxaana Saacadihii ugu dambeeyay si weyn uga barakacay Magaalada inta badan Dadkii ku noolaa, guryo cooshado ka sameysan ka dhistay deegaanka Ceel-Jaalle ee duleedka bari magaalada Beledweyne.

Biyaha ayaan wali  nusqaan laheyn, waxaadna moodaa in saacadba saacada ka dambeysana ay isa soo tarayaan, taasoo quus iyo Rajo beel ku riday dadkii tirada yaraa ee markii horeba magaalada isku celinayay.

Shacabka badan ee ka baxaya magaalada, ayaan heli ilaa iyo hadda gargaar micno leh oo la taaban karo, Waxaana jira codsiyo is-daba-joog ah oo Dowladda Federaalka iyo Hay'adaha samafalka loo jeedinayo, kuwaasoo aan illaa hadda aan wax jawaab ah ka bixin.

FG: Wixii hadba ka soo kordha arrimaha fatahaada waan idin soo gudbin doonnaa...

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya