4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 23, 2016
Maxkamada Ciidanka Somalia oo Dhageysanaysa dacwada eedeysanayaasha qaraxii Daallo Airline


Isniin, May 23, 2016 (HOL) — Dhageysigii labaad ee dacwad loo haysto eedeysanayaashii Qaraxii ka Dhex-dhacay Diyaaraddii Daallo Airlines Bishii Febraayo ee Sannadkan, ayay u fariisatay maanta Maxkamada Darajada koowaad ee Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliya.

Xeer-ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa ugu horreyn maxkamadda hor-dhigtay dacwada loo heysto eedeysanayaasha oo tiradooda ay gaareyso 13 qof oo mid ka mid ah ay haweenay tahay, isla markaana lagu soo oogay dacwad ahayd inay fududeeyeen Qaraxii Diyaaradda Daallo Airlines.

Sidoo kale, intii ay socotay Maxkamadda ayaa mid-mid su’aalo loo weydiiyay gabi ahaan Eedeysanayaashii iyo Qaar ka mid ah Qareennada u Doodaya, Inkastoo weli Maxkamddu aysan go’aan rasmi ah ka gaarin dacwaddan.

Intaas kaddib, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya, Col. Xasan Cali Nuur [Shuute], ayaa ka Codsaday Xafiiska Xeer-ilaalinta Ciidanka qalabka sida inay keenaan cadeymo dheeraad ah oo la xiriira dambiga loo heysto eedeysanayaashan.

Dhanka kale, 02-dii bishii Feberaayo ee Sannadkaan - ayaa Qarax la aaminsan yahay in loo adeegsaday Laptop uu ka dhex-dhacay Diyaaarda Daallo oo ay la socdeeen in ka badan 70-rakaab ah, wax yar kaddib markay ka duushay Garoonka Diyaaradaha Mqudisho.

Iyadoo Ciidamada Ammaanka Dowladda Federaalka ay Baaritaanno iyo Daba-gallo ay ku sameeyeen kiiskan ayaa soo qabtay 13-ka qof ee Maxkamadda la hor-keenay kuwaasoo loo haysto inay wax ka ogaayeen kana dambeeyeen qaraxaas oo ay mas'uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab.

Tan iyo wixii ka dambeeyay Qaraxii Diyaaradii Daallo Airlinews, ayaa waxaa si aad ah loo adkeeyay amniga garoonka diyaaradaha Muqdisho oo iminka shacabka iyo mas’uuliyiinta Dowladda si isku mid ah loo baaro arrintaas oo tusaale u ah inuu wax weyn iska beddelay Amniga Garoonka.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wuxuu bishii March ee sanadkan sheegay in dowladda Somalia ay tallaabo adag ka qaadi doonto cid kasta oo ku lug yeelata weerarka Diyaaraddii Daallo Airlines.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya