4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 23, 2016
Wasaarada Dhallinyarada & Ciyaaraha oo ku baaqday in AMISOM laga Saaro Stadium Muqdisho


Isniin, May 23, 2016 (HOL) — Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho Stadium oo muddo Sannado ah Saldhig u ahaa Ciidamada AMISOM - ayaan helin wax dayactir ah, iyadoo Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Somalia ay dalbatay in AMISOM ay ka baxdo si loo dhiso.

Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya xubno ka tirsan ururada Bushadda Rayidka ,iyo masuuliyiin ka socotay Bahda Ciyaaraha dalka ayaa booqday goor sii horeysay Garoonka Muqdisho waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay ciidanka Amisom ee degan waxaa lagu soo wareejiyay gudaha garoonka.

Wasiirka Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Maxamed C/llaahi Xasan Nuux ayaa sheegay in garoonka uu u baahan yahay dib u dhis aanan sidaasi u weynayn balse xorsha xumada heysata xukuumadeena soomaaliya ay sabab u tahay in ciidanka Amisom ay iska Dagnaadaan Stadium Muqdisho oo ah garoon weyn oo dalka ka soo gali karo dhaqaale fiican haddii uu helo dib u dhis.

Marka laga yimaado hadalkaasi waxa uu sheegay in maanta uusan dalku la heyn garoon u dhigma midkan haddii la dhisana aynu ka maarmeyno garoomadda lagu ciyaaro oo aanan baaxad ahaan ku filneyn xiriiradda ciyaaraha.

Ugu danbeyntii, dowladda Soomaaliya hore ayay u dayactirtay goonka Garoonka Banaadir oo hadda lagu ciyaaro waa qorshe ka shaqeynayo is dhax galka bulshada haddii la dhiso garoomadda ciyaarah.