Isniin, May 23, 2016 (HOL) — Maamulka Jubbaland, ayaa soo dhaweeyay go’aankii uu ku Meel-mariyay shalay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Hannaanka Doorashooyinka Dalka ee 2016-ka, taasoo Baarlamaanka FS uu ku guul-darreystay inuu meel-mariyo.
Bayaan kasoo baxay Jubbaland, ayaa lagu Taageeray Tallaabadii uu Madaxweyne Xasan qaatay, taasoo uu ku Dhaqan-geliyay Hannaanka Doorashooyinka ee Madaxda Madasha Wada-tashiga Qarani isku Af-garteen.
Ugu dambeyn, Jubbaland ayaa horay u diiday is-bedel lagu sameeyo Qodobbada Heshiiskii Hannaanka Doorashooyinka, waxayna si cad ah kaga soo horjeesatay in Gobolka Banaadir matalaad ku yeesho Aqalka Sare.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online[email protected]Muqdisho, Soomaaliya