4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 23, 2016
Dhibaatada Qaxootiga: Arintoodu waxay ku saabsan tahay lacag iyo siyaasad caalami ah

 

Isniin, Mey 23, 2016 (HOL)-Dhibaatada qaxootiga Soomaaliyeed waxay isku baddashay arin lacag lagu raadsado iyo siyaasad caalami ah, waa sida uu dhigayo maqaal lagu daabacay wargeyska the East African ee kasoo baxa Nairobi Kenya.

Caalamka ayaa iminka isku dayaya inuu wax ka qabto hanjabaada katimid dhawaan dawlada Kenya ee ah inay xireyso xeryo qaxooti oo dalkeeda kuyaala oo ay kunool yihiin dad tiradoodu ku dhowdahay 600,000, waa xeryaha Dhadhaab iyo Kakuma.

Jimcihii lasoo dhaafay, shir ay wada qaateen madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta iyo xubno ka socday QM ayaa arintaa looga wada hadlay.

Madaxweyne Uhuru oo shir la qaadanayay xubno ka tirsan QM Jimcihii tagay


Wakiilada golaha ammaanka ee QM u fadhiya Masar iyo Ingiriiska, Cabdelatif Aboulata iyo Mathew Rycroft oo shirkaa ka qeyb qaatay ayaa shirkaa kadib waxay war fidiyeenka u sheegeen in mowqifka Kenya ee shirkaas uu ahaa in dhibaatada qaxootigu tahay waajibaad ay tahay in laisla guto oo ururada iyo dawladaha ay khuseyso oo dhami ay sidii loo xallin lahaa wax ka wada qabtaan.

“Mr Kenyatta wuxuu carrabka ku adkeeyay inuu doonayo in lagula shirkoobo dawladiisa ama dalkiisa arinta qaxootiga iyo sidii wax looga qaban lahaa wuxuuna doonayaa in wada hadalo dheeraad ah arinkaa lagala yeesho. Marka waxaanu ka dalbanay inaan la xirin xerooyinka,” Mr Aboulata ayaa sidaa yiri.

Waxaa la fahamsan yahay in Kenya dhowr jeer ay ku dhawaaqday dhibaatada ay ku qabto qaxootiga inkastoo bishii Nofeembar ee sanadkii 2013 heshiis lagu gaaray in wixii qaxooti ah oo noqonaaya ay iskood dalkoodii ugu laabtaan ee aanan la qasbin.

Warsame
[email protected]