4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 22, 2016
Siilaanyo oo Maanta Cafis u Fidiyay 14 Qof oo ay Maxkamadi Xukun ku Riday Dhawaan (Sawirro)

Axad, May 22, 2016 (HOL) — Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa Maanta cafis u fidiyey Afar iyo Toban Qof oo ay ku jiraan Saddex madax-dhaqameed, kuwaasoo maxkamaddi dhowaan ku xukuntay xadhiga min  saddex sanno ah.

Madaxweynaha Somaliland, waxaa ka dalbaday cafiska madax dhaqameedka  odayaashani ka soo jeedaan, kuwaas oo madaxweynuhuna ka aqbalay codsiga siideynta, wuxuuna faray Madax-dhaqameedkan uu kulanka la yeeshay inay ilaaliyaan Nabadgal-yadda  iyo Amniga wadanka.

Odayaashan Siilaanyo la kulmay ayaa la sheegay in horana madaxweynaha u gudbiyeen qoraal ay kaga codsanayaan siideynta, waxaanu madaxweynuhu kulan la yeeshay madax dhaqameed ka soo jeedda dadkaasi xidhan iyo xubno ka tirsan xukuumadda oo ay ku jiraan wasiirka Maaliyadda, wasiirka Ganacsiga iyo gudoomiyaha xisbiga taladda haya ee kulmiye Muuse Biixi.

War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Siilaanyo oo Afhayeenkiis, C/raxmaan Sh. Cilmi Fahiye (Shamax) ku saxiixnaa ayaa lagu sheegay Cafiskaan uu madaxweynuhu u fidiyey, waxaana lagu yidhi “Madaxwaynaha  Jamhuuriyadda Somaliland, Axmed Siilaanyo,waxa uu xeer madaxweyne oo sumadiisu tahayJSL/M/XERM/249-3992/052016 ku sii daayey xubno isugu jira salaadiin, chief caaqil iyo 11 xubnood oo kale oo weheliya kuwaasoo maxkamadi ku ridday xukun ciqaab ah, ka dib markii ay hawlgal sharci darro ah ka fuliyeen goobta loo yaqaano Hadayta “.

Cafiska maxaabiistan ayaa ka dambeeey codsi ay madaxweynaha u soo gudbiyeen salaadiin iyo madax-dhaqameed ka soo jeeda  madax dhaqameedka xidhan beeshoodda.

Dalabka cafiska ee duqayda beesha ay kasoo jeedaan xubnaha xukunku ku dhacay, ayaa waxa lagu soo khatimay fadhi ku qabsoomay Xafiiska Madaxweynaha, kana qaybgaleen, Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka, wasiirada Madaxtooyada, Maaliyada, Ganacsiga iyo Maalgashiga, Wershedaha iyo gudoomiyaha, ahna murashaxa Xisbiga Kulmiye.

Hoggaan dhaqameedka oo ay horkacayeen xubno salaadiin ahi, oo uu ka mid aha Suldaan Axmed-nuur Cabdilaahi Samaale iyo Salaadiin kale ayaa halkaa kaga dhawaaqay codsigooda cafis dalabka ah, iyagoo horena u soo qaddimay cafiskaas oo qoraal ah.

Madaxweynaha oo isna halkaas ka hadlay ayaa soo dhaweeyey codsiga duqayda, sheegayna inuu maamuus iyo xushmad u hayo, dhaqan ahaan iyo odayaal ahaanba, waxanu hadal kooban ku yidhi madaxweynuhu “Waan aqbalay codsigiina. Waxan idin hayaa sharaf iyo qaddarin aad iga mudan tihiin. Waan cafiyey odayaasha aad iga dalbateen in aan sii daayo, waxanan idinku dardaarayaa in la wada ilaashado nabadgelyada aad marka horeba gadhwadeenka ka tihiin iyo wada jirka dalkeena iyo dadkeena”.

Afar iyo tobankan qof ee  maxaabiista ee madaxweynuhu cafiska u fidiyey ayaa kala ahaa:

1.   Suldaan Ibraahim Suldaan Sulub Suldaan Nuur
2.   Suldaan Mawliid Cali Ibraahin (Sabbeyse)
3.   Chief Caaqil Cabdiraxmaan Xasan Xoore
4.   Xasan Maxamed Cali (Xasan Madoobe)
5.   Mustafe Cabdi Ruush
6.   Maxamed Jaamac Abokor
7.   Siyaad Guuleed Xasan (Qoosha)
8.   Sidiiq Ciise Maxamuud (Kastam)
9.   Siciid Gaas Aadan
10. Farxaan Maxamed Cabdillaahi
11. Siciid Ismaaciil Faarax
12. Cadaani Maxamed Axmed
13. Amiir Xaashi Xandule
14. Xasan Cismaan Cumar

Afar iyo tobanka qof ee madaxweynuhu cafiyey ayaa weeraray goob diiwaangelintu ka socoto, isla markaana qaatay qalabkii goobta yaallay.

Barkhad-ladiif  M. Cumar
[email protected]
Hargeysa, Somaliland