4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 22, 2016
SAWIRRO: Ciidamo ka Tirsan Booliiska Gobolka Banaadir oo Tababbar loogu soo Xiray Muqdisho

Axad, May 22, 2016 (HOL) — Munaasabad Tababar loogu soo xiray ciidamo booliis ah oo laga kala keenay 17-ka Saldhig ee Gobolka Banaadir oo la Tababbaray muddo Toddobaad ayaa lagu qabtay Muqdisho, iyadoo xaflada xiritaanka tababarka ay goob-joog ka ahaayeen Taliyaha Booliiska Somalia, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga, saraakiil ka tirsan Booliiska iyo Fanaaniinta Heegan ee booliiska Soomaaliya.

Agaasimaha Waaxda Wacyi-gelinta Wasaarada Amniga, C/llaahi Faarax Siyaasi oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay inay ahmiyad weyn u tahay in Hay’adaha amniga ay si wanaagsan iskula shaqeeyaan Bulshada, maadaama ciidama la shaqeeya bulshada ay yihiin.

Taliyaha Booliiska Soomaaliya, Jen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud , ayaa sheegay in ciidamadan maanta Tababbarka loosoo xiray ay fursad u yeesheen in loo Tababaro sidii ay ula shaqeen lahayeen Booliiska iyo shacabka Soomaaliyeed, Wuxuuna sidoo kale sheegay in burburka dalka soo maray looga gudbi karo in la helo Booliis tabbarro wanaagsan qaba.

“Askartaan - waxay fursad u heleen in loo Tababbaro sidii ay bulshada Soomaaliyeed ula shaqeyn lahayeen, waxaan idinka codsanayaa in aad ka shaqeysaan Nabad-galyada dalka, waxaana sii wadi doonaa horumarka iyo tababarada Booliiska Soomaaliya,” ayuu yiri Jen. Xaamud.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Amniga Soomaaliya, Yuusuf Cali Maxamed oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay haddii la helo wada-shaqyeyn ay yeeshaan ciidanka Booliiska iyo Shacabka, la sugi karo nabada, isagoo intaas ku daray in ciidamadan maanta tababarka dhammeystay ay Shacabka saxiib dhaw la noqdaan, ayna Xogta Nabad-diidka ka raadiyaan shacabka.

“Sharaf ayay ii tahay maanta anigoo ku hadlaya magaca Wasaaradda Amniga inaan xaflada tababarka loogu soo xirayo Ciidankan laga kala keenay 17 Degmo ee Muqdisho aan kasoo qayb-galo, Waxaana idinka codsanayaa inaad ka shaqeysaan Ammaanka Dalka. Shacabka iyo Booliiska hadday wada-shaqeeyaan amniga waa la sugi karaa, balse haddii aysan jirin wada-shaqeyn waxay fursad u noqonaysaa nabad-diidka,” ayuu yiri Yuusuf Cali.

Dhanka kale, Agaasimaha Guud ee Wasaradda Amniga, ayaa sheegay in Wasaaraddu ay u taagan tahay sidi shacabka Soomaaliyeed shaqada ciidanku hayaan qaybtooda uga qaadan lahaayeen, sidaa darteedna loogu baahday Tababarrada noocaan ah.

Ugu dambeyn, Askartii ka tirsanaa ciidamada booliiska Somalia ee Tababarku loosoo xiray ayaa la guddoonsiiyay Shahaadooyin ka tarjumaya Waxyaabihii Tababarkan ay ku qaateen.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya