4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 22, 2016
Afar Qof oo Maanta Caabud-waaq lagu dilay iyo Xiisad ka taagan Degmadaas


Axad, May 22, 2016 (HOL) — Ugu yaraan afar qof oo rayid ah, ayaa maanta siyaabo kala duwan loogu dilay degmada Caabud-waaq ee Gobolka Galguduud, iyadoo lasoo sheegayo in degmadaas ay haatan ka taagan tahay xiisad colaadeed.

Wararka laga helayo Caabud-waaq, ayaa sheegaya in saddex qof oo ka mid ah afarta qof la toogasho lagu dilay saakay aroortii, halka Ruux Afaraad oo magaciisa lagu sheegay C/weli Macallin Cumar la toogtay gellinkii dambe ee maanta.

Lama oga sababta ka dambeysa dilalka loo geystay Afarta ruux ee shacabka ahaa, waxayna shacabka ku dhaqan degmadaas sheegeen inay magaalada ay haatan xiisadi ka taagan.

Goob-joogayaal ku sugan Degmada Caabud-waaq ayaa warbaahinta u sheegay inay dilalka Afarta ruux kala duwanaayeen, ayna yihiin kuwo salka ku haya aanooyin beeleed, inkastoo maamulka degmadaas uusan weli ka hadlin dilalka maanta dhacay iyo xiisadda ka taagan.

Wixii kasoo kordha Dilalkan iyo Xiisadda ka taagan Degmada Caabud-waaq Waxaad kula socon doontaan wararka soo socda ee HOL haddii ALLE ogolaado.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya