4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 22, 2016
SAWIRRO: Ururrada Haweenka oo ku baaqay in Wax laga Qabto Dhibka ka jirta Gobolka Hiiraan

Axad, May 22, 2016 (HOL) — Waxaa Maanta Muqdisho lagu qabtay kulan ay soo Qaban-qaabiyeen Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed waxaa kulanka ka qeyb galay haween ka socday ururada bulshada rayidka iyo Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed.

Ujeedada kulanka Haweenka ayaa ahaa in laga dhiidhiiyo dhibaatooyinka isbiirsaday ee ka taagan Gobolka Hiiraan kuwaasoo isugu jira colaad iyo fatahaad waxayna haweenka shirka joogaay muujiyeen sida ay uga xun yihiin Musiibada rabaaniga ah taasi oo ah fatahaada uu sameeyay webiga sidoo kale waxay wax laga xumaado ku tilaameen colaadaha kusoo noq-noqday gobolka Hiiraan ee saameynta ugu badan ku yeeshay bulshada soomaaliyeed gaar ahaan dadka ku nool gobolka Hiiraan qeybo ka mid ah.

Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Sh. Axmed Gaballe ayaa Dowladda Federaalka Somalia ugu Baaqday in ay si deg-deg ah ugu Gurmadaan Shacabka ay saameynta ku yeesheen dagaaladda iyo fatahaadaha uu sameynayo Wabiga.

Waxay tiri waa Dhibaato sirgaxan oo u baahan in wax badan laga qabto haddii aan nahay haweenka soomaaliyeed aad ayay noogubeysaa waxa ka socda gobolka Hiiraan.

Baaqa ay haweenka jeedinayaan waxa uu ku soo aadayaa waqti dowladda ay sheegtay in ay gudi u direyso gobolka Hiiraan in kastoo uusan gudiga wali gaarin.

Hiiaan Online, News Desk