4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 22, 2016
Dhakhaatiir Hindi ah oo Aqoon-kororsi u Qabtay Ardada Jaamacada Banaadir (Daawo SAWIRRO)

Axad, May 22, 2016 (HOL) — Dhaqaatiir ka socotay Isbitaalka takhasusiga ah ee Apollo Speciality Hospital oo ku yaala magaalada Chennai ee dalka India,  maalmahana booqasho ku joogay Muqdisho ayaa seminaar u qabtay qaar ka mid ah ardayda Jaamacada Banaadir.

Waxaa ka faa’iideysiga seminaarkan ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan maamulka sare ee Jaamacadda Banaadir, qaar ka mid ah hormuudyada kuliyaddaha Jaamacadda aqoonyahano, arday fara badan iyo marti sharaf kale.

Wafdigan dhaqaatiirta ah oo ka kooban sadex xubnood ayaa waxaa hogaaminaya Mr. Honey Mehmud oo madaxa xiriirka caalamiga ah ee isbitaalka taqasusiga ah ee Apollo.

Dr. Shanlar Genesh oo ka tirsan dhaqaatiirtan ka socotay wadanka India ayaa ugu horeyn seminaarkan ka bixiyey cashar ku saabsanaa qaliimadii ugu dambeeyey ee lagu sameeyey maskaxda & dareen-wadayaasha bani’aadamka iyo aqoonta casriga ah ee ku soo korortay isagoo arintaas si qoto dheer u sharaxay.

Waxaa sidoo kale cashar labaad ka bixiyey seminaarkan Dr. Rakesh Gopal oo isna ku taqasusay qaliimada la xiriira dhinaca wadnaha iyo xididada, wuxuuna ku dheeraaday hababka casriga ah ee ku soo kordhay sameynta qaliimada wadnaha iyo xididada “Waxaa la gaaray hab casri ah oo qaliimada xididada iyo wadnaha loo adeegsanayo tubooyin iyo Maykariskob, iyadoo bukaanka aan la seexanayeyin” ayuu yiri Rakesh Gopal.

Seminaarkan oo aad u xiise badnaa ayaa intii uu socday dhaqaatiirta ka socotay wadanka India waxay ku soo bandhigeen muuqaalo video ah oo ka ka turjumayey casharada ay bixinayeen, iyagoo dhinaca kale si saraaxad leh uga jawaabay su’aalo ay weydiiyeen qaar ka mid ah ardayda wax ka barata kuliyada dhaqtarnimada iyo qaliinka ee Jaamacada Banaadir.

Madaxa xiriirka caalamiga ah ee isbitaalka Apollo Mr. Honey Mehmud ayaa isna ka hadlay seminaarkan ayaa ka waramay qaabka u shaqeeyo isbitaalka Apollo oo uu sheegay inuu ka mid yahay isbitalada ugu waaweyn dalka India ee lagu sameeyo qaliimada, loogana yimaado meelo badan oo caalamka ka mid tirsan, isagoo dhinaca kale bogaadiyey horumarka baaxada leh ee ay ku talaabsatay Jaamacadda Banaadir.

“Marna isma laheyn, maskaxdeenana kuma soo dhicin in horumar sidan u balaaran ay ku talaabsan karto jaamacad ku taala Somalia marka la eego burburka ka dhacay dalka, filan-waa iyo riyo ayeyna nala noqotay waxa aan ku aragnay Jaamacada Banaadir” ayuu yiri Mr. Honey Mehmud oo xusay in wixii hadda ka dambeeya ay xiriir joogto yeelan doonaan isbitaalka Apollo iyo Jaamacada Banaadir isagoo ka mahad celiyey sida diiran ee ay dalka ugu soo dhoweeyeen maamulka iyo ardayda Jaamacadda Banaadir.

Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo gebagebadii munaasabadaas ka hadlay ayaa kaga mahad celiyey dhaqaatiirtan ka timid dalka India casharada ay ka bixiyeen seminaarka oo uu sheegay iney ahaayeen kuwo aad u qiime badan.

“Wafdigan dhaqaatiirta ah ee ka socda Isbitaalka Apollo ee dalka India waxay marti u yihiin jaamacada Banaadir, waxaana wadahadal ka dib ku heshiinay inaan yeelano iskaashi la xiriira dhinaca isdhaafsiga ah aqoonta, sida inaan u dirno isbitaalkooda ardayda iyo shaqaalaha Jaamacadda qaarkood, iyagana ay noo soo diraan dhaqaatiir, waxay balan-qaadeen iney dhinaca tababarada ka caawin doonaan isbitaalka Jaamacada Banaadir” ayuu yiri Dr. Dalmar.

Waxaa uu sheegay Gudoomiyuhu in dhaqaatiirtan ka socota dalka India ay dalka iman doonaan sanad kasta saddex jeer si ay tababaro iyo seminaaro u siiyaan ardayda jaamacadda ee ku howlan barashada culuunta caafimaadka si aqoontooda sare loogu qaado, wuxuuna xusay in maamulka Jaamacadda Banaadir uu u taagan yahay sidii ardayda Jaamacada ay ku heli lahaayeen aqoon tayo leh oo la jaan-qaadeysa mida casriga ah ee caalamka.

Dhaqaatiirtan oo marti u ahaa Jaamacada Banaadir ayaa intii ay joogeen magaalada Muqdisho waxay soo booqdeen Kambaska Dr. Shahid ee Jaamacada, Isbitaalka waxbarashada iyo xarumaha kale ee Jaamacadda, iyagoo kulamo la yeeshay ardayda, macalimiinta iyo hormuudyada jaamacada qaarkood.

Ugu dambeyn gudoomiyaha jaamacada Banaadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar ayaa munaasabadaas hadiyado iskugu jiray funaanado calanka Somalia laga sameeyey, qalabka hidaha iyo dhaqanka qaarkood & astaanka Qaranka Somalia waxaa uu halkaas ku gudoonsiiyey xubnaha wafdiga ka socday isbitaalka Apollo ee wadanka India si aad ah ugu farxay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya