4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 22, 2016
Wada Hadalada Nabadda ee Burundi oo Ka Socda Caruusha, Tanzania

 

 

Arusha, Tanzania


Axad, Mey 22, 2016 (HOL)-Wada hadalo looga arinsanaayo amuurta colaada ah ee ka taagan dalka Burundi ayaa ka socda magaalada Caruusha ee dalka Tanzania.

 

Caruusha ayaa waxay tahay magaalo muhiim ah oo ay kuyaalaan xafiisyada jaamacada bariga Afrika ee EAC oo dalka Burundi uu kujiro.

 

Marar badan ayaa waxaa dib u dhacay wadahadaladaas laakiin ugu dambeyn waxaa lagu guuleystay in horay loo sii wado walow aan la ogeyn waxa kasoo bixi doona.

 

 Madaxweynaha Burundi, Pierre Nkurunziza


 Dalkaas ayaa sanadkii lasoo dhaafay waxaa ka dhacay af gambi dhicisoobay ayadoo madaxweynaha dalkaasi Pierre Nkurunziza uu kusoo maqnaa isla dalkaasi Tanzania halkaas oo uu shir u yimid.

 

Dalka Burundi ayaa xubin muhiim ah u ah jaamacada Bariga Afrika ee EAC maadaama uu yahay dal ciidamo nabad ilaalin ah ku biirshay AMISOM oo ah ciidamada nabad ilaalinta ee Soomaaliya ku sugan; ciidamada AMISOM ayaa badankood waxay ka yimaadaan gobolada Bariga iyo Geeska Afrika gaar ahaan dalalka Uganda iyo Burundi; waxay kaloo ka yimaadaan Itoobiya iyo Kenya iyo weliba Djibouti.

 

Si kastaba ha ahaatee ciidamo kale oo AMISOM ah ayaa ka yimaadaa Sierra Leone oo ah dal kuyaala galbeedka Afrika; Nigeria iyo dalal kale yaa ayana usoo dira tababareyaal iyo ciidamo biliis ah AMISOM.

 

Warkaa lagu laabayee, hadii Burundi uu dagaal sokeeyo oo looga baqaayo ka dhaco arintaasi waxay dhib ku noqon kartaa in ciidamada AMISOM, dufcada dalkaas laga keenay aanay sii wadi karayn hawlgaladooda Soomaaliya oo jaamacada EAC muhiim u ah.

 

Qore: Warsame
[email protected]