4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 22, 2016
Mareykanka oo diiday in ay isaga iyo Ruushka si wada jir ah u fuliyaan duqeynta Suuriya

 

 

Pentagon-Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka


Axad, Mey 22, 2016 (HOL)-Dowladda Mareykanka ayaa ku gacan seyrtay codsi uga yimid Ruushka oo ahaa in diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka iyo Ruushka ay si wada jir ah isaga kaashadaan howlgallada duqeymaha ah ee ka dhanka ah mucaaradka hubeysan ee Suuriya iyo Daacish.

 

Kabtanka ciidamada badda ee af hayeenka u ah waaxda gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagonka Mr Jeff Davis ayaa sheegay in xukuumadda Washington aysan howlgallada Suuriya wax wada shaqeyn ama iskaashi ah kala sameyn doonin Moscow.

 

 

 Diyaarado Mareykan leeyahay oo duqeynaya Suuriya


Kabtan Davis ayaa hoosta ka xarriiqay in howlgallada Mareykanka iyo kuwa Ruushka ee Suuriya aysan isku ujeeddo iyo isku bartilmaameed toona ahayn.

 

Ciidamada Cirka ee Mareykanka iyo kuwa Ruushka ayaa in muddo ahba howlgallo duqeymo ah oo kala duwan ka waday qeybo ka mid ah dalka Suuriya,iyagoo beegsanaya fariisimo ay leeyihiin kooxaha mucaaradka ah ee hubeysan ee Suuriya iyo Daacish.

 

 

 Diyaarad dagaal oo Russia laga leeyahay oo duqeyneysa Suuryiya  


Dagaalka sokeeye ee kasocda dalkaasi Suuriya ayaa daba dheeraaday asagoo haatan socda ku dhawaad 6 sano; dad gaaraya boqolaal kun ayaa ku dhintay tan iyo markii uu bilowday halka malaayiin Suuriyaan ah ay ku barakaceen.

 

Warsame
[email protected]