4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 22, 2016
Maxaa Hor-taagan Ansixinta Hanaanka Geeddi-socodka doorashada dalka ee sanadkan 2016-ka?


Axad, May 22, 2016 (HOL) — Iyadoo Baarlamaanka Somalia uu maalmahan ka doodayay Hannaanka Geeddi-socodka Doorashooyinka 2016-ka, ayna go’aan ka gaari waayeen, ayaa waxaa soo baxaya in weli uu taagan yahay muran la xiriira Hannaanka Doorashooyinka ee Dalka.

Qodobbada ugu waaweyn ee la isku hayo, ayaa ah dhismaha Aqalka sare ee Baarlamaanka lasoo dhisayo. Iyadoo Hannaanka Baarlamankaan lagu soo dhisi doono uu yahay in 18-kii Gobol ee Somalia ay ka koobnay xilligii Xukuumaddii Millateriga ahayd uu Gobol Walba helo Saddex xubnood, iyadoo tirade guudna ay 54 xubnood noqonayso.

Dhismaha Aqalka Sare oo ku dhisanaan doona habka Awood-qaybsiga 4.5, ayaa waxaa loo qaybiyay afarta beeleed ee Soomaalida, kuwaasoo kala ah; Hawiye, Dir. Daarood iyo Digil iyo Mirifle, iyadoo qaabka beeluhu xubnaha u kala heli doonaan ay aad u kala duwan. Waana taas midda sababta u ah in la isku Af-garan waayo qaabka loo dhisayo Aqalka Sare ee dalka.

Tusaale ahaan; Beelaha Digil iyo Mirifle - ayaa waxay heli doonaan haddii qaabkaan loo qaybsado xubnaha Baarlamaanka sare illaa siddeed xubnood oo keliya, middaas oo ah caqabad ka mid ah waxyaabaha uu muranku ka taagan yahay.

Sidoo kale, Qodobada kale ee la isku hayo ayaa waxaa ka mid ah; In Caasimadda dalka ee Muqdisho ama Gobolka Banaadir loo diiddan yahay inuu xubno ku yeesho Aqalka sare ee Baarlamaanka lasoo dhisi doono.

Balse, Arrintan oo maamul-goboleedyada qaarkood ay diiddan yihiin ayaa waxaa ka soo hor-jeestay shacabka ku nool Muqdisho, iyagoo mudaaharaad ay arrintaan uga soo horjeedaan ku qabtay Muqdisho maalin ka hor, iyagoo dalbaday in Banaadir ay qayb ka noqoto gobollada dalka ee xubnaha ku yeelanaya Baarlamaanka Sare.

Dhanka kale, Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM - ayaa baarlamaanka Soomaaliya cadaadis ku saaraya sidii loo Meel-marin lahaa Hannaanka Doorashada 2016-ka, iyadoo xubnaha Golaha Ammaanka ay Khamiistii soo gaareen Muqdisho, si ay ugu cadaadiyaan Madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamul-goboleedyada inaanay ka dib dhicin doorashadu xilligii loo qorsheeyay.

Ilo xog-ogaal ah oo qayb ka ahaa shirkii Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xubnihii Golaha Ammaanka ee QM, ayaa u sheegay HOL, in Haddii Baarlamaanka FS uu ku Guul-darreysto inuu Go’aan ka gaaro Hanaanka Doorasho ee Dalka, uu Madaxweyne Xasan Sheekh soo saari doono Wareegto uu go’aan uga gaarayo Doorasho dalka; taasoo ay ku Taageeri doonto Qaramada Midoobay.

Waxay kaloo, ilahan xog-ogaalka ahi intaas ku darayaa in haddii Madaxweynuhu uu ku Guul-darreysto Qudhiisa Go’aan ka Gaarista Doorashooyinka Dalka, ay Go’aan ka gaari doonto Qaramada Midoobay oo kaashanaysa Ururka IGAD iyo Midowga Afrika.

Ugu dambeyntii, Xukuumadda Washington - ayaa waxay Sabtidii shalay ahayd Warbixin kasoo saareen Walaaca ay ka qabto Meel-marin la’aanta Hanaanka Doorashada 2016-ka ka dhici doonta Soomaaliya, iyadoo lagu wado inuu Muqdisho soo gaaro maalmaha soo socda Ergayga gaarka ah ee Mareykanka uga wakiilka ah Arrimaha Soomaaliya.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya