4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 22, 2016
Ciidamada Somalia iyo Jabuuti oo u Gurmaday Dadka ku Go’doomay Fatahaada Baladweyne (Sawirro)

Axad, May 22, 2016 (HOL) — Ciidamada Millatariga Somalia iyo kuwa Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM, ayaa bilaabay in ay gurmadaan dadka rayidka ah ee ku dhax xayiran xaafaddaha ay maasheeyeen daadadka ka soo rogmaday wabiga shabeelle ee magaalada Beledweyne.

Galinkii danbe ee maalintii shalay ayaa la arkayay gadiidka militariga ciidammada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Jabuuti uu gudaha u gallaya xaafadaha ugu sii daran ee fatahaadu sameysay iyaga oo ka soo saaraya dadka jilicsan, gaar ahaan kuwa aan awoodin in ay iska bixi bixiyaan kirada gadiid ay ku qaataan caruurtooda iyo agabka kale ee muhiimka u ah.

Ciidammadan ayaan wax baqdin ah ka muujin dadka ay gurmadka u sameynayeen, iyaga oo ka doorbiday halis ama khatar dhinac ammniga oo uga iman karta in ay u bareeraan samata-bixinta dadka laga yaabo in ay ku dhax dhintaan biyaha.

Inta badan dadkii ku noolaa xaafaddaha Beledweyne ayaa u barakacay deegaanka Ceel-Jaale ee dulleedka magaalada, halka qoysas kalana u sii gudbeen deegaanada Nuur-Fanax, Halgan, ilaa degmada  Buula-burte ee gobolka Hiiraan.

Shacabka ku Barakacay deegaanka Ceel-Jaale ayaa wajahaya daruufo nolaleed oo malaha aan wax badan ka liidan tan ay ka soo barakaceen, madaama aysan heysan hoy ku filan, biyo ay cabaan, iyo musuqulo, waxaadna arkeysaa qoysaska qaarkood oo meel cidlo ah iska fadhiya, halka kuwa kalana ay maciin bideen guryo macmal ah laga sameeyay Ulo iyo Baco leysku-geegeeyay.

In badan oo ka md ah dadkan ayaa laga yabaa in uu ku sii dheeraado waqtiga ay barakaca ku maqan yihiin madaama guryihii ay ku noolaayeen gabi ahaanba ay la tageen daadadka, taasoo macnaheedu yahay in aysan jirin meel kale oo ay dib ugu soo noqdaan xitaa haddii ay biyaha ka baxaan magaalada.

Ma jiro ilaa iyo hadda gargaar bani'aadannimo oo loo fidiyay qoysaskan, marka laga soo tago ururka dhalinyarrada oo u sameeyay biyo dhaamin aan badneyn.

Hay'adaha samafalka ayaan ilaa iyo hadda door muuqda oo la taaban karo ka qaadan siddii loo gaargaari lahaa dadka barakacay oo ku sugan marxaladii ay ugu baahida badnaayeen in ay hellaan samafal iyo gacan bani'aadannimo oo ugu yaraan wax ka tari karta nolasha adag ee soo food saartay.

Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka ayaa dhinaceeda ilaa iyo hadda wax talaabo ah qaadin, marka  laga soo tago wasaarrada arrimaha gudaha oo sheegtay in wax loo qabanayo dadka ay saameyeen fatahaada wabiga shabeelle.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya