4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 22, 2016
QM oo ay u Suurta Gali Weyday Inay Hor Joogsato Go'aanka Kenya ee Kusaabsan Xiridda Xeryaha Dhadhaab iyo Kakuma

 

Axad, Mey 22, 2016 (HOL)-Waxaa miro dhal la’aan ku dhamaaday dadaallo is daba joog ah oo ay QM ku dooneysay in ay ku baajiso go’aankii ay dhawaan ku dhawaaqday dowladda Kenya ee ahaa in la xiri doono xeryaha qaxootiga Dhadhaab iyo Kakuma.

 

Dowladda Kenya ayaa u sheegtay xubnaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay in aan marnaba waxba laga baddali doonin qorshaha dib loogu celinayo qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan xeryahaas.

 

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa Jimcihii lasoo dhaafay sheegay in uu sidiisa ahaan doono go’aanka lagu xirayo xeryahaas.

 

Wuxuu sidaa u sheegay diblumaasiyiin kasocday golaha ammaanka ee QM oo uu kula kulmay madaxtooyada Kenya ee kutaal Nairobi.

 

 

 

Kenyatta ayaa ku nuuxnuuxsaday in sababta albaabada la isugu dhufanaayo xeryahaa oo ay ku jiraan qaxootiga ugu badan ee caalamka ay tahay sidii loo sugi lahaa ammaanka qaranka Kenya taasna aysan dowladda Kenya ka laba labeyn doonin.

 

15-ka xubnood ee golaha ammaanka oo socdaal kusoo maray Soomaaliya ayaa magaalada Nairobi yimid hal maalmin kadib markii uu xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon ka codsaday Madaxweyne Uhuru Kenyatta in aan la xirin xeryaha ay ku jiraan dadka qaxootiga ah ee badankood kasoo cararay colaadaha dalka Soomaaliya.

 

Wafdigaa golaha ammaanka oo uu hor kacayay wakiilka joogtada ah ee Masar u fadhiya Qaramada Midoobay ahna madaxweynaha waqti xaadirkaan ee golaha ammaanka, Cabedellatif Aboulatta ayaa waxaa uu dhankiisa u sheegay Madaxweyne Kenyatta in tillaabada loo qaadayo xiritaanka xeryaha Dhadhaab iyo Kakuma ay tahay mid gabi ahaanba kasoo hor jeeda hannaanka wax u qabashada iyo taakuleynta qaxootiga caalamka.

 

Warsame
[email protected]