4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 21, 2016
WARBIXIN: Khilaaf soo Dhax-galay Ergooyinka ka Qayb-galaya Shirka ka socda degmada Jowhar


Sabti, May 21, 2016 (HOL) — Iyadoo markii horeba uu si gaabis ah ku socday Shirka lagu dhisayo maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada dhexe ayaa wararka Jowhar aanu ka helayno waxay sheegayaan inuu jiro khilaaf durbaba soo dhax-galay ergada Degmadaas ku wada-sugan.

Khilaafkan, ayaa la sheegayaa inuu salka ku haya sida dhinacyadu u Qaybsanayaan Ergada loogu talagalay in ay beelaha ku matalaa shirka, waana markii labaad ee Khilaafka Noocan oo kale ah uu hareeyo shirka.

Wasirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka XFS, C/raxmaan Maxamed Xusseen Odawaa oo gaaray Jowhar, ayaa kala hadlay Odayaasha sidii loo Xallin lahaa Khilaafka taagan oo illaa iyo hadda aan wax natiijo ah laga gaarin.

Waxgaradka qaar ayaa lagu warmayaa in wasiirka ay ka dalbadeen in wasaarada si toos ah arintan u soo fara-galiso, hase ahaatee waxaa arintaa ka hor yimid isla qaar kale oo ka mid ah odayaasha shirka ka qeyb-galaya.

Shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, Waxaa horay ugu gacan-sayray qaar ka mid ah duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan oo si weyn u dhaliilay Hannaanka ay u dejisay Dowladda Federaalka Somalia Dhismaha Maamulkan.

Xilliga shaqo ee Dowladda Federaalka oo wax yar uun ka harsan, ayaa la ogeyn sida looga Gaarsiin karo dhismaha maamulka Hiiraan & Sh/dhexe, iyadoo dad badan rumeysan yihiin inay haddii arrimuhu sidan kusii socdaan labada gobol ka hari doonaan hanaanka Doorasho ee dalka ka dhici doona.

Ugu dabmeyn, Beelaha - ayaa inta badan ku saleeya Awood-qaybsiga tirada ergada hadba sida ay ugu kala Tun-weyn yihiin labada gobol, taasoo mar walba soo dadajisa in lagu kala tago habka saami-qeybsiga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya