4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 21, 2016
Xabad-joojin la Dhax-dhigay Kooxihii Dagaalku ku Dhex-marayay Magaalada BALADWEYNE


Sabti, May 21, 2016 (HOL) — Afar Maalmood oo Dagaal xiriir ah uu socday kaddib, ayaa galinkii danbe ee maanta lagu guuleystay in la kala dhax-galo maleeshiyo beeleedkii dirirtu ku dhexmaraysay Xaafadda Howl-wadaag ee Magaalada Beledweyne.

Odayaasha iyo Waxgaradka Baladweyne oo si weyn ugu mashquulsanaa joojinta dagaalka, ayaa ugu Dambeyntii ku Guuleystay inay joojiyaan xabadda, iyadoo dhinaca kalana awood millateri la adeegsanayo.

Lama oga illaa iyo inta ay sii jiri karto Xabad-joojintan, madaama wali ay maleeshiyaadkii dagaallamay ku wada-sugan yihiin Xaafadda Howl-wadaag.

Dhawaan ayay aheyd markii ciidanka AMISOM ku guul-dareysteen in ay kala dhax-galaan labada dhinac ee iska soo Hor-jeeda oo marar badan oo hore dagaalo ku dhaxmareen qeybo ka mid ah dhulka miyiga ah.

Ugu  dambeyn, Waqtigan wax Xabad ah oo la maqlayo ma jirto, taasoo ka dhigan in labada dhinac u Hoggaasameen xabaad-joojinta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya