4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 21, 2016
BELEDWEYNE: Waxgarad ku baaqay in wax laga Qabto Xaaladda Magaalada ka jirta [DAAWO]


Sabti, May 21, 2016 (HOL) —
Haweenka, Carruurta iyo Waayeelka, ayaa ah kuwa ay sida gaarka u taabaneyso nolasha adag ee soo food-saartay dadka ku nool degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo gabi ahaanba la oran karo waxaa maasheeyay biyo sanadihii ugu danbeeyay aan noocooda wali horay loo arag.

Barakaca ayaa gaaray heerkiisii ugu sareeyay, waxaana jira boqollaal qoysas ah oo wali ku dhax xayiran Fatahaadda Xad-dhaafka ah - kuwaasoo aan haysan cid u maciinta, madaama haweenka iyo caruurta ku adag tahay inay u bareeraan biyaha oo iskaba daa' qof aan dabaal aqoon ee xitaa ay halis ku tahay in uu kasamata baxo qofka dabaasha isku haleynaya.

Xaafadaha Xaawo-Taako iyo Kooshin oo ugu sii darran marka loo eego magaalada inteeda kale,  ayeey meelaha qaar biyuhu ka dulboodayaan safka kore ee guryaha, taasoo qof walba uu ka cabir qaadan karo heerka jooga biyaha ay marayaan.

Ragga, ayaa inta badan mashquul ku ah siddii ay u soo samata-bixin lahaayeen ehelladooda kuwa ugu jilicsan ee Biyaha ku Dhax-go'doonsan, Waxaadna arkeysaa Carruur Dusha Sare lagu sido misana lala Dabaalanayo iyo haween garabaha laga hayo si loo jiirsiiyo biyaha oo tuuraya mowjado xoog leh.

Dadka Arrimaha Fatahaadda aadka ula socda - ayaa Aaminsan in biyahan yihiin kuwo lagu Tilmaami karo oo kaliya musiibo ama [Disaster] - Madaama aysan jirin qoys magaalada ku dhaqan oo aysan saameyn ku yeelan, iyadoo dhanka kalana ay baabi'iyeen Guryo badan oo qoysaskii deganaa ay adag tahay in ay dib ugu soo laabtaan xitaa markay biyaha ka baxaan magaalada.Dhinaca kale, Qayb ka mid ah Magaalada - waxaa ka soconaya dagaal culus oo u dhaxeeya labo maleeshiyo beelleed, taasoo ka dhigan in dadka ku dhaqan xaafadda Howl-wadaag oo ay dagaalladan ka socdaan isku biirsadeen  labo arrimood oo kala ah xabad iyo fatahaad uu sameynayo wabiga shabeelle.

Ilaa iyo hadda dowladda federaalka kama aysan hadlin marxalada adag ee soo food saartay dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne oo malaha waqtigan oo kale loo baahanaa in loo fidiyo gurmad deg deg ah, gaar ahaan dadka biyaha ku dhax go'doonsan oo jecelaan lahaa in ay hellaan Doomo dheerye oo soo daabula iyaga iyo alaabahooda.

Sidoo kale, Millateriga Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM, ayaa tallaabo muuqata oo la taaban karo ka qaadan siddii loo Caawin lahaa qoysaska biyaha go'doomiyeen, si lamid ah sidii sanad horeba dhacday oo ay ciidanka Jabuuti gacan weyn ka geysteen Samata-bixinta dadka iyagoo qoysaska barakacaya ugu deeqay gadiidkooda militari.

Biyaha ayaan wali laheyn Wax nusqaan ah, Waxaana muuqata in ay isku sii ballaarinayaan Xaafaddo hor leh oo aysan wali inta la xasuusto saameyn ku yeelan, laakiinse dhinaca kale hadal heynta ugu badan ayaa ah in uu jiro hoos u dhac uu sameynayo wabiga deegaannada qaar gaar ahaan kuwa dhaca xadka kala qaybiya Gobolka Hiiraan iyo Dhulka is-maamulka Soomaalida Itoobiya.

Dadka ku Dhaqan Magaalada Beledweyne Dabaqad kasta oo ay nolasha ku kala sareeyaan Maanta Waxaa la oran karaa Waa kuwo ka siman Amaakaaga iyo Dhabanna-hayska ay ku reebeen daadadka tan dhaafka ah ee magaalada ku soo rogmaday.

Ugu dambeyn, Odayaasha, Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka magaalada, ayaa ku baaqay in si deg deg ah arintan wax looga qabto.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya