4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 21, 2016
Shirkii Sanadlaha ahaa ee Shabakadda Network-13 oo Maanta Muqdisho ka Furmay (SAWIRRO)

Sabti, May 21, 2016 (HOL) — Waxaa maanta Muqdisho ka furmay Shirkii sanadlaha ahaa ee Shabakada Somali Media Network (NETWORK-13), iyadoo Xafladdii Furitaanka ay ka qayb-galeen 29 Idaacadood oo ka kala socdey Gobolada Dalka iyo Magaalada Muqdisho.

Furitaankii shirkan waxaa warbixin kasoo jeediyey xog-hayaha shabakadda Mustaf Yaasiin oo ku dheeraaday wixii u Qabsoomey Shabakadda iyo waxay doonayaan inay Mustaqbalka soo socda qabtaan.

“Wax badan ayaa shabakada Somali Media Network (NETWORK-13) u Qabsoomy waxay qabatay tababarro dhinaca saxaafadda ah, waxay ka qayb-gashay kulammo Caalami ah iyo  kuwa lagu qabtay dalka gudhiisa,“ ayuu yiri Mustaf Yaasiin.

Sidoo kale, Xoghayaha Shabakada ayay ka qayb-galayaasha waxay weydiiyeen su’aalo la xiriirka shabkadda, taasoo uu ugu Jawaabay, Waxaana markii dambe ka Qayb-galayaasha xubnaha ka ah shabakadda loo qaybiyay dastuurka ay shakabaddu ku shaqeyso si ay waxa ugu daraan waxna uga dhimaan

“Waxaan soo jeedinayaa in Shabakadda NETWORK-13) , la ballaariyo oo lagu soo biiriyo wargeysyada , talefishinnada iyo dadka wax qora,“ ayuu yiri Axmed Ciise Guutaale oo soo dhaweeyey waxqabadkii shabakada isagoo ku booriyay xubnaha ka tirsan Shabakadda inay howlahooda sii dardar-geliyaan. 

Shirweynahan oo socon doona muddo saddex maalmood ah, iyadoo inta uu socdo la qaban doono doorashadii hogaanka shabakada oo saddexdii sano mar la qabto, waana doorashadii labaad ee Shabakada Somali Media Network (NETWORK-13)  ay Qabato, iyadoo Dhinaca kale shabakadda lagu Aasaasay 13 xubin, iyadoo ay hadda xubno ka yihiin 29 Idaacadood.

Idaacadaha xubnaha ka ah shabakadan, ayaa kala ah; Radio Risala, Radio Kulmiye, Radio Mustaqbal, Radio Gool FM, Radio Xurmo, Radio Kasmo, Radio Star FM Somalia, Radio Al-Nuur, Radio Wadaag, Radio Caabud-waaq, Radio Al-ixsaan Cadaado, Radio Cadaado, Radio Dhuuso-mareeb, Radio Codka Nabadda - Gaalkacyo, Radio Daljir, Radio - Star FM Kenya, Radio Hiiraan-weyn, Radio Jowhar, Radio Voice of Mudug , Radio Warsan, Radio Baydhabo, Radio Gal-gaduud , Radio Voice of C. Region, Radio Garoowe, Radio Sooyaal, Radio IQK, Radio Iftin, Radio Maandeeq iyo Radio Ergo.

Ugu dambeyn, Waxaana Shir-weynahaan kusoo biiraya Idaacadha kala ah; Rado Afgooye , Radio Hiddo, Radio Himilo, Radio Ogaal, Radio Haatuf iyo weliba Radio Cayaaraha.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya