4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 21, 2016
SAWIRO: Isbitaal ay Imaaraadku dib u ballaarin ku Sameynayo oo Maanta la Dhagax-dhigay

Sabti, May 21, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa maanta Dhagax-dhigay Qaybtii labaad dhismaha Isbitaal loogu magac-daray Sheikh Zayed, kaasoo oo magaalada Muqdisho ku lana sheegay in ballaarinayo.

Mashruucaan uu maanta Madaxweyne Xasan Dhagax dhigay, ayaa waxaa Maal-gelinaysa Dowladda Imaaraadka Carabta. Iyadoo Madaxweynuhu uu ku Ammaanay Xukuumadda Imaaraadka Carabata kaalinta ay ka geysaneyso dib u dhiska iyo soo nooleynta adeegyada bulshada ee Somalia.

“Walaalaheen Imaaraadka Carabta waxay mar kale inoo muujiyeen sida ay uga go’an tahay inay ina Garab-istaagaan. Mashruucan waa mid Wax-tar u yeelan doona Bulshada Somalia ku nool oo dhan," ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu dabmeyn, Dhagax-dhiga waxaa kaloo ka Qayb-galay Danjiraha Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya, Mohamed Al-Othman, Dublamaasiyiinta Waddamada Shisheeye ee ku sugan waddanka iyo Mas’uuliyiin ka tirsan labada Gole ee Dowladda Soomaaliya.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya