4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 21, 2016
SAWIRRO: AMISOM oo kala hadashay Madaxda Samafalka Jubbooyinka Gar-gaarka Aadannimo

Sabti, May 21, 2016 (HOL) — Xubno ka socday Hawl-galka Ururka Midowga Afrika ee Somalia (AMISOM) iyo xubno ka shaqeeya samafalka ayaa kulan ku yeeshay magaalada Kismaayo Khamiistii lasoo dhaafay, iyadoo kulankaas looga hadlay sidii sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhanka bixinta gargaarrada bani’aadamnimo.

Madaxa qaybta Gargaarka Bani’aadamnimo ee AMISOM, Abdul Diabagate ayaa sheegay in kulankan ay goobjoog ka ahaayeen tiro ka mid ah xubnaha samafalka ka shaqeeya ee Jubbaland, kaasoo uu sheegay in looga hadlay inuusan jirin xiriir ka dhexeeya ciidamada AMISOM ee Jubbooyinka ka hawl-gala iyo Ururrada Samafalka ka shaqeeya.

“Ujeeddada kulanka waxay ahayd sidii loo heli lahaa koox isku xiran oo samafalka ka shaqeysa. Arrinta kale ee aan doonaynay waxay ahayd inaan helno warbixinno joogto ah oo ku saabsan xaaladaha bani’aadmnimo ee deegaannadaas ka jira iyo in si dhaw ay iskula shaqeeyaan ciidamada AMISOM iyo samafalayaasha,” ayuu yiri Diagabate.

Sidoo kale, Garaad Aadan oo ka mid ah mas’uul ka socday Hay’adda ARC ayaa sheegay in dhismaha guddi wada-shaqeyneed ay fududeyn doonto inuu xiriir aad u wanaagsan Dhex-maro ciidamada AMISOM iyo hay’adaha gargaarka.

“Tani waa hawl wadajir ah oo aan horay uga jirin Jubbooyinka, sidoo kalena waa tallaabo horay loo qaaday oo dhanka bani’aadamnimada ah, waana arrin fiican in wada-shaqeynta la xoojiyo” ayuu yiri Garaad Aadan.

Ugu dambeyn, Col. Nestor Ndarusanze oo ka tirsan Saraakiisha AMISOM ayaa sheegay in hawshan lagu xoojinayo wada-shaqeynta ay horay ugu qabteen Magaalada Baladweyne, waana taallaabo lagu xoojinayo xiriirka bulshada iyo qaybaha millateriga iyo rayidka ee ka tirsan AMISOM.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya