4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 21, 2016
Madaxweynaha Soomaaliya: Waxaan u Diraynaa Baladweyne Guddi Colaadaha ka Taagan Xalliya


Sabti, May 21, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ka Qayb-galayay kulan Dhallinyaradu ay su’aalo ku weydiinayeen oo ka dhacay Muqdisho, ayaa madaxweynaha waxaa la hordhigay su’aalo badan oo la xiriira marxaladda dalka uu marayo.

Xasan Sheekh ayaa mar wax laga weydiiyay colaadda ka jirta Baladweyne wuxuu sheegay in dirirta u dhaxeysa beelaha wada dhashay ee Baladweyne dowladdiisu ay aad uga xuntahay.

Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Sabtida maanta ah ay Baladweyne aadayaan Wasiirro ka tirsan xukuumadda iyo saraakiil ciidan si colaada Baladweyne xal loogu helo.

Madaxweyne Xasan oo la weeydiiyay  arrimo ku saabsan in dadku ay si fudud ku helaan baasboor ay ku tagi karaan Waddamada kale ee Caalamka ayaa wuxuu ku sheegay in helidda baasboorka Somalia oo tayeysan ay ku xiran tahay Al-shabaab oo laga saaro Somalia waxa uuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay kaalin ka qaataan dagaalka lagula jiro al-Shabaab si loo helo fursadaha caalamka nooga xiran.

Ugu dambeyn, Waa sheekooyin baaqi kusii ahaan doona dhagaha shacabka dhibka kala kulma dadka ku safra baasaboorka Somalia, haddii go’aanka  dowlada uu sidan sii ahaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya