4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 21, 2016
DAAWO: Cajalado Sharaxaya sida ay Dhallinyaro Somali-American ah ugu biiri lahaayeen Daacish


Sabti, May 21, 2016 (HOL) — Toddobaadkii labaad, ayaa soo xirmay Dacwad ka socotay Maxkamadda Federaalka ee Magaalada Minneapolis, Minnesota taasoo xeer-beegta ay ku dhageysanayeen dacwo ka dhan ah saddex wiil oo Somali-American ah oo lagu eedeeyay inay doonayeen inay ku biiraan Kooxda Daacish/ISIS. Sedexda wiil oo kale ah; C/raxmaan Daauud, Maxamed Faarax iyo Guuleed Cumar.

Tan iyo Galabnimadii Arbacada, ayaa la dhagaysanayay cajalado si qarsoodi ah uu kusoo duubay C/raxmaan Bashiir oo si qarsoodi ah ugu shaqeenayay Waaxda Amniga ee FBI-da.  Bashiir ayaa ka mid ah Markhaatiyada ugu Waawayn ee dacwadan, isagoo si Qarsoodi ah ula shaqeenayay FBI-da, kana mid ahaa qorshaha Wiilashan markii hore, balse is-beddelay, isla markaana billaabay in uu si qarsoodi ah dowladda ula shaqeeyo oo uu Wiilasha kale kasoo duubo cajalado.

Sidoo kale, C/raxmaan Bashiir ayaa markii hore rabay waa sida uu maxkamadda u sheegay inuu ku biiro Kooxda Daacish, taasoo ay ku dhiirri-galiyeen wiilal ay ilmo-adeer yihiin oo deggenaa Magaalada Sandiego ee gobolka California, oo la kala oran jiray; Hamza Kariya, Xirisi Kaariya iyo Hanad Moalin. Wuxuuna wiilkan maxkamada ka sheegay in markii Ilmo-adeerradiis lagu dilay Suuriya uu isagu is-bedelay, isla markaana uu billaabay inuu la shaqeeyo FBI-da, si qarsoodi ahna uu codad uga soo duubo Wiilasha saaxiibbadiis ah.Bashiir ayaa maxkamadda ka sheegay in nin Gobolka California jooga oo si qarsoodi ah FBI-da ugu shaqeeya uu u sheegay inuu sameyn karo Passport been abuura ah lacag dhan $450, oo loo baahan yahay in $100 loo dhigo horumarin ah.

Cajaladaha sida qarsoodiga ah uu ku duubay C/raxmaan Bashir ayaa waxa laga maqlayaa iyadoo dhallinyaradu ka sheekaysanayaan sidii ay u aadi lahaayeen Syria oo ay ugu biiri lahaayeen Kooxda Daacish. Mar ayaa laga maqlayaa Guuleed Cumar oo oranaya. “Wuxuu rabaa inuu dalka Mexico aado oo uu si fiican u barto si uu xiiriir ugu sameeyo “Walaalaha” kaddibna ay halkaas Maraykanka kasoo galaan.”

Dhanka kale, Waalidka Mahamed Faarah, C/raxmaan Daa’uud iyo Guuleed Faarax ayaa u sheegay HOL in wiilka wax duubay uu isugu geliyay Wiilasha Qorshahaan.

Dacwadan ayaa la filayaa inay socoto laba todobaad oo kale. Todobaadka soo socda foolka leh ayay dowladdu Dhameystiri doontaa dacwadda, kadibna qareenada difaacaya Wiilasha ayaa su’aalo weydiin doona marqaatiyada ay dowladdu keentay, kaddibna waxaa jiri doona in Qareennada Dowladda iyo kuwa difaacaya wiilasha ay soo gaba-gabeeytaan dacwadda, laguna wareejiyo xeer-beegtida.

Ugu dambeyn, Shacab badan oo Soomaali ah ayaa kasoo Qayb-gala dhageysiga dacwadan, Waaliddiinta dhallinyarada xiran dhalayna waxay xilli walba joogaan goobta maxkamadda, iyagoo si taxaddar leh ula socdaan arrintaan murugada leh.

Siyad Salah, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota