4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 21, 2016
Xildhibaannada Baarlamaanka oo Maanta mar kal ka doodaya Heshiiska Hannaanka Doorashooyinka


Sabti, May 21, 2016 (HOL) — Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta mar kale ka doodi doona sharciga lagu fulinayo doorashada dadban ee qorshuhu yahay in bisha Ogoosto ee sanadkan uu ka dhaco dalka.

Kulanka maanta ayaa Daba-socda Shirkii Khamiistii oo xildhibaanada baarlamaanka loogu Qaybiyay Sharciga Hannaanka Doorashada ee ay dib u eegista ku soo sameeyeen Guddigii Baarlamaanka uu u xil saaray.

Guddigan ayaa wax ka bedel ku sameeyay qodobada qaar ee ku xusnaa go’aamadii ka soo baxay madasha wadatashiga qaran ee ku saabsanaa qaabka ay u dhaceyso doorashada dalka ka dhici doonta sannadkan 2016-ka.

Hab-dhawraha Baarlamaanka, Mudane Maxamed Cumar ayaa sheegay in kulanka maanta Xildhibaanada ay ka doodi doonaan sharciga lagu fulinayo doorashada, waxaana uu xusay in dooda soo dhamaato, waqtina la helo cod loo qaadi doono.

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh ayaa Khamiistii Xildhibaannada Baarlamaanka ka codsaday inay Ansixiyaan Sharciga, maadaama Waqtiga yar yahay, lagana sugayo in bisha Agosto ay dalka ka dhacdo doorashada.

Ugu dambeyn, Beesha Caalamka ayaa horay uga dalbaday Baarlamaanka Federaalka in uu Meel-mariyo heshiiskan, waxaana ay walaac ka muujiyeen ansixin la’aanta iyo in wax laga bedelo qodobada Hannaanka geeddi socodka doorashooyinka oo ay u arkeen inuu caqabad keeni karo.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya