4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 20, 2016
Dagaal culus oo Caawa ka Socda Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan


Jimco, May 20, 2016 (HOL) — Dhawaqa hub culus oo ay is-weydaarsanayaan malleeshiyo Beeleed Saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ku Dagaallamaya Beledweyne, ayaa caawa siweyn looga maqlayaa guud ahaaba xaafaddaha ay ka kooban tahay magaalada.

Shacabka ku nool Baladweyne, ayaa si weyn ugu dhag-taagaya Dagaalka oo marka la eego Caawa la oran karo waa mid culus kii sadexdii maalmin ee la dhaafayay dhexmaray labada maleeshiyo beelleed.

Lama garanayo, Wajiga cusub ee uu Dagaalku yeeshay oo inta badan aan looga baran in xiliyada habeenkii uu dhaco, hasse ahaatee waxaa muuqata in labada dhinacba  ay helayaan gurmadyo ku soo kala biiraya iyo hub ka culus kuwii markii hore ay isku adeegsanayeen.

Ciidamada AMISOM ayaa ku guul-dareystay maalintii shalay isku day la doonayay in lagu kala dhax-galo maleeshiyaadka iska soo horjeeda.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya in arintan ay soo fara-galiyaan.

Wixii warar ah ee ka soo kordha dagaalka waan idin soo gudbin doonnaa..

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Sooomaaliya