4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 20, 2016
Madaxweynaha Kenya, Uhuru oo Taageeray Arinka Kusaabsan Dhisida Derbi u Dhexeeya Dalalka Kenya iyo Soomaaliya

Madaxweyne Uhuru oo u calan haadinaaya gawaari waaweyn mar uu si rasmi ah u bilaabayay dhismaha waddada isku xidha Ceelwaaq Kenya iyo magaalada Rhamu ee degmada Mandheera shalay 


Jimce, Mey 20, 2016 (HOL)-Derbiga oo dawlada Kenya ay ka dhiseyso xadka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya ujeedkiisu maahan in dhaqdhaqaaqa dadka uu xaddido balse waxaa loogu tala galay in ammaanka lagu xoojiyo; waa sida Madaxweyne Uhuru uu sheegay.

Madaxweyne Uhuru  ayaa sheegay in dawladiisa ay ka go'an tahay dhowrida amniga iyo xasilloonida Kenya. Waxaa uu hadalkaa ka jeediyay Mandheeraa oo uu shalay safar ku tagay safarkaa oo uu ku weheliyay madaxweyne ku-xigeenka Kenya Willium Ruto.

Wuxuu hadalkaasi sheegay mar uu hoggaamiyeyaal degmadaasi leedahay uu la kulmayay iyo mar uu meel fagaare ah ka khudbeynaayay labadaba.

“Ma lihin qorsheyaal aanu ku kala qeybinayno dadka Soomaaliya iyo dadka Kenya. Waxaanu doonaynaa oo kaliya inaanu xaqiijino in dadkeenu adeegsadaan heerar si caalami ah loo aqbalay oo loogu tala galay ganacsiga, ee wax kale maahan,” ayuu yiri.

“Waxaan aad ugu boogaadinayaa hoggaamiyeyaasha iyo dadka deegaanka ah inay kala shaqeeyeen hayadaha ammaanka faridda oo dadka la faro nabadda inay ka shaqeeyaan. Horumari wuxuu noqonayaa wax aan la taaban karayn hadii nabadi aysan jirin,” intaa ayuu raaciyay.

Madaxweyne Uhuru  wuxuu kaloo sheegay in xisbigiisa Jubilee uu ku dhiiraday xaqiijinta horumarinta kaabeyaasha gobolka Waqooyi-Bari Kenya si loo fududeeyo safrinta badeecooyinka iyo shaqaalaha-waa la bilaabay horumarintaa iminka ayadoo tobanaan km oo waddooyin laami ah laga dhisay gobolkaa.

Wuxuu kaloo sheegay Madaxweyne Uhuru  inuu wax ka qaban doono macalimiin yari ka jirta gobolkaa, daadad kusoo fataha xilliyada Gu'ga iyo Deyrta, bullaacadaha iyo sidii loo horumarin lahaa iyo weliba horumarinta tayada biyaha iyo helitaankooda.

Maanta galinkii dambe ayaa Madaxweyne Uhuru  waxaa uu usoo gudbay degmada Wajeer halkaas oo uu mashaariic horumarineed ka furay.

Warsame
[email protected]